Booliska Oo Qabtay Khamri Si Xariifnimo Ah Loo Soo Gelinayay Gudaha Caasimadda Hargeysa

0
596

 

Picture1Hargaysa( Geeska )- Taliyaha ciidanka Booliska Md. Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa daboolka ka qaaday inay gacanta ku dhigeen khamri ay shandad gacmeed iyo joog ku siday haweenay ilmo jaqsiinaysay iyo laba nin oo kale.

 

Khamrigan oo dhan 36 Litir ,ayaa uu taliyuhu sheegay in lagu qabtay kaantaroolka Buurta kala jeexan ee galbeedka magaalada Hargaysa, iyada oo haweenaydan iyo laba nin oo kale ay ku sidaan gaadhi nooca loo yaqaano Crown-ka ah, waxaanu taliyahu xusay in markii ay ciidamada boolisku cidhiidhi galiyeen khamriga in xeeladan ay rabeen inay ku soo galiyaan magaalada khamrigan oo noociisu ahaa daray-jiin.

Taliyaha ciidamada booliska Cabdilaahi Fadal, waxa uu arintan kaga hadlay shir jaraa’id ooshalay ku qabtay xafiiskiisa waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Ciidanka boolisku todabaadyadii ugu danbeeyay waxa uu ku jiray hawlgalo uu ku sugaayay nabadgalyada, isla markaasna uu kula dagaalamayay wax-yaabaha nabadgalyo darada keena oo uu mukhaadaraadka oo aanu culayska koowaad saarnay kamid yahay.” Taliyahu isaga oo sii hadlaaya waxa uu yidhi “Waxa uu  ciidanka boolisku soo qabtay gaadhi CROWN ah oo lagu sido khamri kaas oo lagu soo qaaday boorso ta haweenka ah iyo joog, oo ay wadeen saddex eedaysane oo gacanta lagu hayo, khamrigaasuna waxa uu ahaa 36-Litir oo nooca loo yaqaano daray jiinka ah. Qabashada khamarigan waxay hoos u dhigaysaa korodhka danbiyda caadiga ah ee dhaca, marka mukhaadaraadku uu batana nabadgalyo daradu waa ay imanaysaa.”

Taliyuhu isaga oo la hadlaaya bulshada Somaliland waxa uu yidhi “ Bulshada reer Somaliland waxaan ka rajaynayaa in goobkasta iyo meel kasta oo lagu iibiyo khamriga inay gacanta ciidanka booliska ugu fiiqaan, waxaan digniin culus u soo jeedinayaa oo aanu imika ogaanay oo aanu dabagal ku haynaa gaadiid badan iyo dad aan ahayn kuwii hore ee la yaqaanay oo ka ganacsada oo iyagana aanu waajibkooda marin doono, xeel kasta iyo tab kasta oo ay keenaana waxaanu la wareegaynaa. Marka nooc loo soo farsameeyo la qabtaba nooc kale ayaa loo soo dhigayaa, boorsadan dumarkee caadiga ah ayaa badhkii lagu soo guray qaarna joog ayaa lagu soo cabeeyay, waxaana qabtay ciidanka booliska ee Buurta kala jeexan, iyada oo ay dhamaan ciidanka booliska ee dalku ay intii karaankooda ah  bahalkaas culayska ugu badan saaraan.”

Taliyuhu, wuxuu u digay dadka caadaystay inay telefoonka gacanta ku hadlaan iyagoo baabuurka wada, waxaanu yidhi “Waxaa kale oo halkan aan ugu faa’idaysanayaa waxa lays waydiinayaa in shilalka gaadiidku ay bateen, waxaana ka kow ah oo sababay Moobilka, qofkuna laba qalbi malaha wax-yaabaha shilaalka sababana Moobilku waa ka kaw,  gaadhigu ama magaalooyinka dabada hawga baxo ma gudahaba haku jiree, waana mabnuuc qof isaga oo isteerinka haya hadduu Moobilku soo dhaco inuu qabto ama uu ku hadlo, waxaan u gudbinayaa wadayaasha gaadiidku inay ka waan-toobaan isticmaalka Mobilka marka gaadiidku wadooyinka ay marayaan.” Ayuu yidhi.

Ugu danbayntii taliyaha oo aanu waydiinay shandad gacmeedkan haweenka cida ku siday khamriga waxa uu ku jawaabay “ Khamrigan waxa uu ku jiray shandad nooca dagta lagu qaato ah iyo joog, waxaana dhabta ku haysay haweenay  ilmo yar jaqsiinaysay, laba nina waa ay la socdeen,waa qorshe cusub oo lagu soo galinaayay magaalada.”

Taliyaha ciidamada Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa ka sheegay xafladii uu xilka kula wareegayay inuu xooga saari doono la dagaalanka mukhaadaraadka, gaar ahaan khamriga oo uu sheegay inuu u arko inuu abuuro nabadgalyo daro xoogan.