Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la sheegay inuu qorshaynayo inuu kala diro goleyaasha deegaanka ee dalka. Sidaas waxa Geeska Afrikau sheegay ilo xogogaala.
Ilahaasi waxay tibaaxeen in Madaxweynaha oo markii uu talada qabtay isku dayay inuu deegaanada kala diro balse uu sharcigu u saamixi waayay, uu hadda go’aansaday in marka ay guddiga doorashadu ku dhawaaqaan wakhtiga ay qabsoomayso doorashada goleyaasha deegaanku, uu isna kala diro. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu tan iyo markii uu talada dalka qabtay si weyn uga niyad jabsanaa goleyaasha deegaanada dalka oo intooda badani aanay wax muuqda ku soo kordhin magaalooyinka xilkooda loo doortay, waxaana taas bedelkeeda lagu eedeeyaa inay intooda badani lunsadeen hantidii umadda islamarkaana ay fadhiid ka dhigeen shaqooyinkii dawladaha hoose, ka dib markii ay isku wada qabsadeen xilka maayarnimo iyo ku xigeenkiisa.
Guddiga doorashada ayaa la filayaa inay cayimaan wakhtiga ay doorashada deegaanadu qabsoomayso, haddii ay maanta golaha guurtidu ansixiyaan wax ka bedelka ay wakiiladu ku sameeyeen xeerka doorashada ee ku saabsan in doorashada lagu galo tiro.