Marwo Edna Aadan Oo Khudbad Taabatay Quluubta Shacabka Somaliland iyo Dareenka reer Yurub Ka Jeedisay Shir Caalami Ah iyo Ubucda Garnaqsigeedii

0
421

vlcsnap-2012-06-09-06h16m51s233Brussels, (Geeska)- Wasiirkii hore Arrimaha dibeda Somaliland, Marwo Edna Aadan Ismaaciil ayaa beesha caalamka kula garnaqsatay inaanay ku riixin argagxisada jecel burburinta caalamka xorta ah, weligeedna aanay taasi dhici doonin, una cadeysay in Somaliland jiri doonto.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo dhowaan kaga qeybgashay shir caalami ah oo dhacay magaalada Brussels ee dalka Beljamka oo ay goob joog ku ahaayeen xildhibaanada Baarlamaanka Yurub lagana baahiyay telefishanada dalka Beljarmka, ayey khudbad dheer oo madashii shirka ka jeedisay  beesha caalamka u sheegtay in dhalinyarada reer Somaliland halis ugu jiraan inay duufsadaan argagaxiso doonaysa inay is-qarxiyaan, dad kalena ku qarxaan hadaan mustaqbalka dalkooda la dhisin.

Edna Aden, ayaa qaddiyada Somaliland si la yaab leh u Ssharaxday shirkii Barlamaanka eeer Europe Ee Magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub. Waxay marwo Edna si wanaagsan U sharaxday marxaladihii kala wuwanaa ee ay Somaliland soo martay

Khudbadii Marwo, Edna Aadan ka jeedisay madashii oo qaar ka mid ah warbaahinta ka soo baxa Soomaaliya ku tilmaameen dhaliil ay u jeedisay Soomaaliya iyagoo ilduufsan inay garnaqsi la hortagtay beesha Caalamka, ayaa keentay in markii ay dhamaysay khudbadaa dhamaan ka qeybgaleyaashii kulankaasi  u sare kaceen boqaadinteeda. Khudbadaas Marwo Edna Aaden ayaa si weyn looga soo dhaweeyay madashii uu shirku ka socday, waxaanay  ku bilowday: “Fariinta cad ee maanta aan jecelahay inaan idiin sheego waa  waxa dalkayga (Somaliland) jooga ugu yaraan shan boqol oo kun oo dhalinyaro ku dhalatay xeryahii loo qaxay ee Itoobiya, isla markaana aanu sannadkii 1991-kii u sheegnay in dalkoodii xor yahay, oo la soo noqdeen xornimadoodii, waxii ka danbeeyana  ku noolaan doonaan dalkooda oo laga hirgeliyey dhamaan nidaamyada caalamka. ‘Aqoonsigu dhowaan ayuu iman doonaa’ hore ayaan u maqalay sannadkii 1993 dhamaadkii shirkii Boorama, waxaan maqalay sannadkii 1997 xilligii doorashooyinkii madaxweynenimo, waxaan ka maqalay beesha caalamka sannadkii 2001 markii aftida aan u qaadnay dastuurka Somaliland, waxaan mar kale maqalnay xilligii aanu qabsanay doorashooyinkii deegaamada ugu horeeyey, iyo tii madaxtooyada, iyo weliba ma xusuustee imisa doorasho dabadeed. Maanta shantaa boqol ee dhalinyarada ah waxay halis ugu jiraan inay lumiyaan kalsoonidii ay ku qabeen beesha caalamka. Waxay ku  nool yihiin meelo ay ka dhisan yihiin  warshado halis ah oo Argagaxiso, budhcad badeed, iyo xagjirnimo oo isticmaala sannad walba dhaqaale gaadhya shan boqo oo milyan, warshadahaa argagaxisada, budhcad badeedka iyo xagjirnimadu waxay isku deyeyaan sidii ay u soo jiidan lahaayeen dhalinyarada reer Somaliland una tusaan meel ay ka dhowdahay janada iyo hantidu si ay isku-qarxiyaan dadka kalena u qarxiyaan.

Mudaneyaal iyo marwooyin, iyo martida beesha caalamka, maanta hadaynaan u dejin  tamarta dhalainyarada reer Somaliland qaab dhisme iyo horumar, waxay keeni kartaa in badhkood u adeegsadaan tamartaa ku keydsan qaab burburin. Keliyana uma ahaan doonto khasaare nafahooda