Gayiga Aan Joogno Amaankiisa In Cidi Dibedda Ka Soo Gasho Marnaba Kama Yeeli Doono,”Taliyaha Ciidanka Qaranka Saldhiga Badhan

0
3844

Hargeysa, (Geeska)- Taliyaha Ciidanka Qaranka, qeybta 3aad ee saldhiga Badhan, Guray Cismaan Saalax ayaa cadeeyey inay dib uga celiyeen wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xubno ka tirsan maamulka Puntland oo damacsanaa inay soo gaadhaan magaalada Badhan.

 Taliyaha Qaranka saldhiga Badhan, Guray Cismaan ayaa tilmaamay in ogaanshaha hawlgal ciidanku ku fuliyey shaqsiyaad damacsanaa inay aqalo uga kireeyaan Badhan ku baaqdeen iyagoo ku soo gabanayey waxaan daba soconaa firxadka shaqsiyaad Shabaab-ta Galgala ah.

Wareysi kooban oo Geesku la yeeshay taliyaha saldhiga Badhan, Guray Cismaan ayaa lagu weydiiyey ujeedada hawlgal la sheegay in ciidanku ka sameeyey magaalada Badhan, waxaanu ku jawaabay, “Hawlgalka ciidanka qaranka ee saldhiga Badhan maanta (Shalay) ka fuliyeen waxuu ujeedadiisu ahayd sidii looga hortegi lahaa xubno ka tirsan maamulka Puntland, oo wasiirkeeda Amniga iyo qolyo la socday ku damacsanaayeen inay ku soo gaadhaan Gobolka Badhan, iyagoo ku soo gabanayey meesha la yidhaah Af-uro ayey wadaado ka soo degeen, isla markaana shacabka ayaan ka wacyigelinaynaa firxad Shabaabta Galgala, ciidanka hawlgalkiisuna sidaa ayuu ku waajahnaa,”

Taliyaha oo aanu weydiinay maadaama ciidanka booliisku qaabilsan yahay gudaha magaalooyinka, sababta keentay in ciidanka qaranku hawlgalkaa sameeyo, miyaan ciidan booliis joogin, ayaa ku jawaabay, “ Gobolka ciidanka booliis ee jooga wuu yaryahay, tayo fiicana ma laha, markaa inta badan waxa ka hawlgala waxii nala soo dersa ciidanka qaranka, horena sidan oo kale ilaa labaatan cisho ka hor qolo ka socotay maamulka Puntland ayaan sidan oo kale uga waabinay inay soo galaan gobolka Badhan, waajibkayaguna waa inaan ka hortagno cadow kastoo dibedda ka soo gala.”

Taliyaha saldhiga Badhan oo ugu danbayn la weydiiyey inuu shacabka gobolka Badhan iyo Guud ahaan Somaliland u ballanqaadayo sugida amaanka iyo nabadgelyada jiida uu masuulka ka yahay, aya aku jawaabay, “Annagu waxaan nahay ciidan qaran, waajibaadka na saran inta awoodayadu tahay inaan ka soo baxno weeye, gayiga aan joognana amaankiisa in cidi dibedda ka soo gasho marnaba kama yeeli doono, waayo ciidankii qaranka oo gobolkaa ka hawlgelaya hadii cidi iska soo gasho waxa la odhan karaa meesha ciidan ma joogo marka cid meel kale ka trsan soo gelayaan,”