Gudoomkiyahii Maxkaamdda Maroodijeex Oo Oogtii Waabari Lagu Toogtay Masaajid Uu ku Soo Tukaday

0
571

Hargaysa( Geeska )-Gudoomiyaha  maxkamadda gobalka Maroodijeex Cabdirashiid Maxamed Duraan, ayaa subaxnimadii hore ee shalay ay ku toogteen masjid uu ku soo tukaday koox dablay ah oo hubysan.

Gudoomiye Duraan ayaa markiiba loola cararay cibitaalka gaarka loo leeyahay ee Gargaar, oo ilaa galinkii hore lagula tacaalayay dhaawaca ay rasaastaasu u gaysatay oo kaga yaala daanka, waxaana galinkii danbe ee isla shalay xukumaddu ay u qaaday dalka Jabuuti. Guddoomiye Mr. Duraan, ayaa la sheegay inaanu dhaawaciisu cuslayn islamarkaana uu dadka u jawaabayay markii loo qaaday dalka Djibouti.

Mid ka mid ah dadkii masaajidka ku tukanayay ayaa sheegay inay mar keliya maqleen dhawaqa rasaasta, ka dibna ay ogaadeen in lala beegsaday guddoomiye Duraan oo loola cararay cisbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha oo booqday

Madaxweya Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isagu ku booqday dhaawaca gudoomiyaha maxkamada gobalka Maroodijeex cisbitaalka Gargaar intii aan laga qaadin.

Cambaaraynta

Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur, ayaa dhankiisa falkaas canbaareeyay waxaanu sheegay inay fuliyeen laba qof oo hubaysan, waxaanu xusay inay wadaan baadhitaan, lana soo qaban doonaan. Wasiirku, wuxuu xusay inaan weli la qaban dambiilayaashii falkaas gaystay waxase uu rajjo ka muujiyay in la soo qaban doono si cadaaladda loo horgeeyo. “Dilalka noocaas ah waa looga shaki qabi karaa cid nabagelyada cadow u ah amaba Al-Shabaab haka tirsanaado ama cid kale haka tirsanaatee, sidoo kale Waxa in badan warbaahinta ka baxaayay in dad dhaliilsanaayeen garsoorka oo dad la xidhay oo la xukumay la weynaynayay oo dacaayad badan laga samaynayay, labaduba waa laba raad oo la raaci karo, labadaba waanu baadhaynaa, waanan xaqiijinaynaa wakhti aan fogayn labada ka ay tahay.” Ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Isagoo ka hadlaya dadka falkaas loo xidhxidhay wuxuu Wasiirku yidhi “Dad tuhunkaas laga qabo oo xidhxidhani way jiraan, laakiin Boolisku waxay mashquul ku yihiin baadhitaankii, ilaa hadda waxa cad in dad ay toogteen guddoomiyihii maxkamadda, dadkii falkaas gaystayna wixii tuhun ah waa la hayaa wixii kalena waa lagu daba joogaa, marka uu kiisku gababoobo ciddii ay ku cadaato si cad ayaanu u soo bandhigi doonaa.”

Gudoomiyaha maxkamadda sare  Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa falkaas lagula kacay gudoomiye duraan canbaareeyay, waxaanu sheegay in aanay shaqadooda wax baqdin ah falkan ku keenayn, sida oo kale gudoomiyahu waxa uu xusay inuu falkan yahay mid la xidhiidha dacwadahii uu xukumay baadhitankana ay ka warsugayaan.

Yuusuf Ismaaciil waxa kale oo uu yidhi “Anagu waxaanu ognahay in falkaasi la xidhiidho dacwadihii uu sida cadaalada uga garsooray, waxayna arintaasi soo bixi doontaa baadhista ay wadaan hay’adaha amniga ka dib, waanuna ku kalsoonahay hay’adahayaga amniga, xukuumaddayada iyo shacabkayaga”ayuu yidhi waxaanu intaa raaciyey “Waxaanu ognahay inay falkaasi fuliyeen dad garsoorka cadow ku ah garsoorka ama meel fog ka soo duulay, Waxaanuna rajeynaynaa in sida ugu dhakhsaha badan gacanta loogu dhigi doono”

Guddoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland waxa uu xusay in falkaasi lagu dhawaacay Guddoomiye Duraan aanu wax cabsi ku abuuri doonin “Waxa aanu muujinaynaa dareenkayaga ah inaanaan falkaasi wax baqqe ah nagu keenayn oo aanu hawsha garsoorka ee aanu hayno ugu habrano ama xaq-daro aanu wax ku xukuno, xaqqa ayaana sareynaya”ayuu yidhi.

Yaa loo xidhay?

Ciidamada ammaanka ee magaalada Hargeysa oo aanu xalay isku daynay inaanu wax ka weydiino cidda loo xidhay tuhunka falkaas ayaanay noo suurtogelin, waxase ay wararku sheegayaan in la xidhay dhawr qof oo kala duwan.

Gunaanad

Falkan ayaa ahaa mid aad looga naxay, waxaana in ta badan ee dadka reer  Hargaysa ay ku tilmaameen  dhaqan xun oo mudan in si dhakhso ah halkiisa lagu joojiyo, intaanu ku fidin gudaha Somaliland oo uu ku cusub yahay. Waxaanay bulshadu ka naxday falkan oo ah dhaqan ku cusub bulshada Somaliland.