Marwadda Madaxweynaha Iyo Maayarka Hargeysa Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Ay D/ Hoose Fulisay

0
798

Picture1Hargeysa (Geeska) – Marwadda madaxweynaha iyo maayarka Caasimadda ayaa shalay laba waddo oo laami ah oo dawladda hoose hirgalisay xadhiga ka jaray, halka xarun agoomaha wax lagu barangay ka dhax dhigeen duleedka waqooyi ee magaaladda Hargeysa. Labaddan waddo ee dawladda hoose hirgalisay ayaa kala ahaa mid laba killomitir ah oo ka soo baxdda istaanka Jabuuti iyo mid kale oo shan boqol oo mitir ah oo ka timaada Iskayska Xaro Awr kana gudubtay wadadda boqol iyo kontonka.

Wadooyinkan waxa iska kaashaday dawladda hoose ee Hargeysa iyo dadka xaafadahaasi, waxaanay dadka isticmaalaa wadooyinkan uga mahad celiyeen cid kasta oo gacan ka geysatay wadooyinkan.

Marwadda madaxweynaha Aamino Weris Sh. Maxamed Jire ayaa sheegtay in wadooyinkan in badan martay, isla markaana ay aragtida sida ay rafta u ahayd iyo sida aan loo mari Karin jarin, iyadoo uga mahad naqday dawladda hoose iyo guddida xaafadda ee gacanta weyn ka gaystay hirgalinta wadooyinkan.

 “wadadani iguma cusbo oo in badan ayaan mari jiray, runtii wadadani waa waddo aad ii farxadgalisay ilaahay baa mahada iska leh, dadka hawsha inteeddda badani ku dhacday  gaar ahaan dadkii xaafadda iyo dawladda hoosaba aad bay u mahadsanyihin”ayey tidhi marwadda madaxweynaha Aamino Weris.

Maayar Soltelko oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Siyaasadda xukuumadda ee madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Siilaanyo qaatay sanadkan ee ah sidii wadooyinka loo horumarinlahaa ayey mashruucani ka mid yahay, waa dadaalkaa madaxweynuhu kowga inoogu yahay ayeynu hawsheedda wadda qabanaynay, waana kaabaayaashii dhaqaalaha, marka waddo la helo ayuu dhaqaaluhuna kor u kacaa, imika sakadaasi way ka duwan tahay markii hore ee ay bila wadadda ahayd, waxa iyaduna wadadan ka dambeeya garoonkii kubadda cagta oo aanu ka balansanahay  guddida dhalinayrada si aanu wax uga qabano”.

Labadan Waddo ee kala ah mid ay Baabuurta Jabuuti maraan iyo mid kale oo ka gudubtay wadadda boqol iyo kontonka, taas oo baahi weyn loo qabay, waxaana xadhig ka jaristeedda ka soo qaybgallay marwadda madaxweynaha, Maayarka caasimadda, xoghayaha dawladda hoose, xildhibaannadda golaha deegaanka Caasimadda iyo marti sharaf kale.

Dhinaca kale, marwaddu madaxweynuhu waxay dhagax dhigtay xarun lagu xanaanayn doono agoomaha oo ay maalgalinayso masaajid ku yaalla wadanka Kuweyt.

Munaasibada lagu dhagax dhigayey xarunta loogu tala galay daryeelka  iyo xanaanaynta caruurta agoonta oo lagu qabtay goobta laga dhisayo xaruntaasi oo ku taala Deegaanka Xeedho ee waqooyiga caasimada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay marwada madaxweynaha somaliland, Maayarka caasimada Hargeysa, madaxda hay’adda fulinaysa dhismaha xarunta ee Al Najax, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka caasimada, madax dhaqameed iyo marti sharaf kale.

 Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa ugu baaqay dadka beeraha leh inay iska gooyaan dhulka danta guud ah ee laga dhiso waxyaabaha ay dadku wadaagaan waxaanu yidhi “Dhulka danta guud ee ah ee xukuumadu ka goyso dhulka ay dadku leeyihiin waxa loogu tallo galay in laga dhiso  waxyaabaha danta guud ah sida dugsiyadii, garoomadii, sariibadihii, saldhigyada booliska, istaanadii basaska, dadweynahana waxaan leeyahay waa inaad bixisaan intii laydinku yidhi bixiya si loogu hir geliyo hawlahaasi, agoomaha inaynu aad ugu naxariisano weeyaan, waxaana imika socda mashruucii hore oo ay maal gelinayso dawlada Kuwait kaas oo laga dhisayo bariga magaalada Hargeysa.”.

Marwada madaxweynaha somaliland Aamina Maxamuud Jirde ayaa iyaduna sheegtay  inay garab taagan yihiin wax u qabashada caruurta agoonta ah, waxaanay ka war bixisay waxyaalihii ay u qabteen xarumaha agoomaha ee dalka waxaana hadaladeedii ka mid ahaa “waxaan qirayaa intii dawladani timid inaynu aad ugu soo jeedsanay xarumo badan oo agoomaha lagu xanaaneeyo,markii afar sano ka hor ay dawladani wadanka qabsatay wiig ka dib ayaan tagay xarunta agoomaha, waxaana ka muuqatay dayac aad u badan, waxyaalaha aanu u qabanayna waxa ugu muhiimsan inaanu  sugnay dhulkii xarumta agoomaha.”.

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka caasimada Hargeysa iyo madax dhaqameed kuwaas oo dhamaantood soo dhaweeyey dhismaha xarunta loogu tala galay daryeelka iyo xanaanaynta caruurta agoonta ah.

Dhinaca kale, madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa saaka kormeer ku tagay xarunta dawladda hoose ee Hargeysa, waxaanu kala qaybgallay shirka toddobaadlaha ah ee agaasimeyaasha dawladda hoose iyo madaxda sare iskaga waraystaan toddobaadkii tagay wixii u qabsoomay iyo qorshah todobaadka soo socda, kuwaas oo lagu gorfeeyo wixii carqalad ah ee jirta iyo sidii loo wada shaqayn lahaa.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa hoolka shirarka ee dawladda hoose ku soo dhoweeyey maayarka, ku xigeenkiisa iyo xoghayaha gulinta ee dawladda hoose, kuwaas oo uga warbixiyey siday u shaqeeyaan iyo waxyaalihii u qabsoomay toddobaadkii tagay.