Maayarka Gabiley Oo Sheegay In Aanu Ogayn Mooshin Ka Dhan Ah

0
785

Hargeysa (Geeska)-Maayarka Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, oo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka  Degmada Gabiley ay ku wadeen Mooshin xil ka xayuubin ah oo ka dhan ah Maayarka Gabiley, iyada oo ku soo eedayey musuqmaasuq iyo hanti lunsi ayaa sheegay in aanu waxba kala socon Mooshinkaas, waxaanu xusay in haddii Mooshin lagu soo oogayo in loo maro sifo sharciya.

Maayarka Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse,oo Shalay Xarunta Golaha Wakiilada kulan kula qaatay Guddida ilaalinta Hantida Qaranka iyo dabagalka Musuqmaasuqa. Kulanka ayaa guddidu xog waraysi kala yeeshay Arimaha shaqadiisa khuseeya.

Maayarka Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, oo ugu kulankaas kadib Warbaahinta la hadlay ayaa uga waramay waxa uu kulankaasi ku saabsanaa, waxaanu sheegay inay ka wareysanayeen waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu ahaa Maayarka iyo caqabadaha hor taagan, waxaanu sidoo kale sheegay in  Guddida ilaalinta Hantida qaranka iyo dabagalka Musuqmaasuqa ee Golaha Wakiiladu ay guud ahaan kulamo la yeelan doonaan Golayaasha Degmooyinka oo dhan, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay

“Kolay waa kulamo ay ku mari doonaan guud ahaa degmooyinka dalka oo dhan, waxay naga xog waraysteen wixii noo qabsoomay muddadii aanu xilka haynay, wixii aan qabsoomin, caqabadaha na hortaagan inahaas ayaanu iska waraysaynay oo ay wax naga waydiiyeen”

Maayarka Degmada Gabiley oo la waydiiyay Aragtidiisa ku aadan in wakhtigan Goleyaasha Degaanku xilka ka qaadi karaan Maayarada ka dib markii wakhtigeedu dhamaaday digreeto sanadkii hore lagu soo rogay oo ahayd inaan maayarada xilka laga qaadi Karin waxa uu yidhi “Horta Goleyaasha degaanku xaq bay u leeyihiin inay is-doortaan, waayo Maayarada maanta jooga waa xubno Xildhibaano ah oo aan waxba dheerayn Golaha intiisa kale, markaa marka horena iyagaa doortay, haddii ay imika ka qaadana waa wax sharcigu u ogolyahay, wax mushkilad ahina ma jirto, ILLAAHAY baana og cida ugu horayn doonta iyo siday wax noqon doonaan”

Maayarka Degmada Gabiley mar wax laga weydiiyey Mooshin la sheegay in qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley la damacsan yihiin inay xilka kaga qaadaan maalmaha soo socda, waxa uu yidhi“Ma ogi mooshin iyo hawlahaasi, laakiin Mooshinadu si sharci ah ayay u dhacaan, waana wax sharci ah, waxaana muhiim ah in sharciga uun la maro laakiin, anigu ilaa wakhtigan waxba kama ogi”.