Wargeyska Geeska Afrika Oo Waraysi La Yeeshay Madaxweynihii Hore Ee Gaana Oo Imika Ah Ergayga Midowga Afrika U Qaabilsan Somaliland Iyo Somaliya

3
987

 

Ghana

Adis Ababa: (The horn/Geeska Afrika)- Ergeyga gaarka ah ee midowga Afrka u qaabilsan Somaliland iyo Somalia islamarkaana ah Madaxweynihii hore ee dalka Gaana Md. Jerry John Rawlings ayaa waraysi gaar ah isaga oo jooga Addis Ababa toddobaadkan Telefoonka ku siiyey Wargeysyada Geeska Afrikaiyo  Thehornoo ah mataano ku kala baxa Somali iyo Ingiriisi, waxaanu kaga hadlay abaaraha ka dhacaya Somalia, waqtiga u qorshaysan in uu yimaaddo Somaliland iyo arrimo kale oo  dhinacyo badan taabanaya.

Md. Jerry Rawlins oo xilkan ka hor madaxweyne ka ahaa dalka Ghana waxa aad uga war wareegay  in uu kelmad san ka yidhaahdo doorashooyinkii madaxtooyo ee sannadkii hore ka dhacay Somaliland oo ay dunida badankoodu ku tilmaamtay kuwo si xor iyo xalaal ah u dhacay, haddaba waraysigaas oo aanu idinku soo turjunnay af-soomaali ahi waxa uu u dhacay sidan:

Ugu horrayn waxa aad nooga warrantaa ujeedada socdaalkaaga imika ee Addis ababa?

Waxa aanu halkan u joognaa in aanu maanta (toddobaadkii hore) ku dhawaaqno in ay tahay maalintii Soomaaliya, maalin mudan in Afrika u calool dabacdo Soomaaliya si loo joojiyo gaajada iyo xaaladaha macaluusha ah. Intaas waxaa dheer, bishan 25-keeda oo aanu qaban doonno shir qaadhaan ururineed. Sidaa awgeed maanta laga bilaabo illaa 25 August waxa ay noqon doontaa maalinta Soomaaliya. Waxa aanu ku dhiirrigelin doonnaa dhammaan dawladaha qaaradda Afrika in ay gacan ka geystaan la tacaalista xaaladdan macaluusha ah. waxa aan rajaynaa in shirkaa qaadhaan ururinta ah ee dhacaya 25-ka bishan, marka laga tago macaluusha in aanu sidoo kale ka wada hadli doonno sidii xaaladdan oo kale xal loogu heli lahaa, waqtiga dhow iyo ka fogba, si aynu uga hortagno in aanay innagu soo noqnoqon xaaladahan oo kale. Waa kaas waxa aan halkan ka qabanayaa, waxa kale oo ay si aan ku talo gal ahayn ugu beegantay maanta martigelin aanu u samaynay dalka Koonfurta Sudan oo loo aqoonsaday qaranka 54 ee Afrika, halkanna waxa ay u joogaan in ay hawlahan qaybtooda ka qaataan

Waxa aad noo sheegtay in imika uun ay Midowga Afrika waqti u xaddideen in ay ku dhawaaqaan sidii ay u muujin lahaayeen caloolyowgooda ku aaddan Somaliya, tan iyo markii ay abaaruhu bilowdeen illaa maanta, muxuu midowga Afrika ka qabtay abaaraha iyo macaluusha Somaliya?

Waa suurtogal in waxoogaa dib u dhac ahi ku jiro sida aanu hawlaha u qabanayo, laakiin keliya waa wax hubin uun. Sidii Kenya oo kale ayaa ay dadku isu soo ururinayaan shilimaadka yaryar… Waxa aan haddaba ogahay illaa saddex, Algeria waxa ay ku dhawaaqday xaddi fiican oo ah 10 Milyan oo doolar. Afrika in lacag la helaa arrin sahlan ma’aha, laakiin waxa aanu doonaynaa in aanu maalintan 25-ka bisha sii xoojinno baahida loo qabo in loo naxo dadkaas. Imika iyo wixii ka dambeeya waxa aanu dhiirrigelinayaa in ay iskaashadaan ururro ka socda dalal kala duwan, si ay awood ugu yeeshaan in ay ka qayb qaataan qaadhaankan, innaga oo og in Qaramada midoobey iyo hay’ado kale oo caalami ahi ay imikaba bilaabeen gacan ka geysashada gargaarka, xaddiyo lacageed oo kaalmo ah ayaaba hadda lagu sii dhawaaqay, laakiin waxa aan aad uga xumahay in ay tahay mid aan waxba ku filnayn, (Marka la eego baaxadda dhibta jirta). Waxa aan filayaa in ururrada arrintan ku hawlani ay diyaargarow fiican samaynayaan, si ugu yaraan xaddi lacageed oo qurux badan loogu dhowaaqo. Haddii aad fahantay waxa aan u jeedo.

Haa, waan ku fahmay, waxa aad u jeeddaa waxa aanu u soconna habka uu dhigayo hal-ku-dhegga ah, “Qunyar soco laakiin iska hubi”

Haa sidaa ayaad u dhigi kartaa.

Dhinaca amniga marka aynu ka hadlayno, maxaa horumar ah ee illaa hadda uu midowga Afrika ka sameeyey Soomaaliya?

Sida aynu ognahayba hadda waxaa gudaha ku jira ciidamada Uganda iyo Burundi, waxa aan ogahay in dalalka Guinea iyo Sierra Leone ay iyaguna ku deeqi doonaan ciidamo, waxa aanuna diyaarinaynaa sidii ay ciidamadaasi ugu soo biiri lahaayeen kuwa hadda sii jooga Soomaaliya. Waxa aanu raadinaynaa habkii aanu ku heli lahayn xal siyaasi ah. Ciidamada Uganda iyo Burundi hawl aad u qiimo badan ayaa ay wada jir u qabanayaan, iyada oo weliba ilaha dhaqaale aad u kooban yihiin. Laakiin haddana aad  ayay u dadaalayaan.

Dhinac kale marka aynu ka eegno, waxaa jiray guddi xaqiiqo raadis ahaa, oo ka socday midowga Afrika oo muddo ka hor yimi Somaliland. Guddidan oo uu hoggaaminayey Mazimhaka oo ahaa guddomiye xigeenkii guddiga midowga Afrika ee xilligaas,  sannadkii 2005-ta waxa ay diyaariyeen warbixin ay kaga hadlayaan wixii ay ku soo arkeen Somaliland. Illaa haddana wax war ah Somaliland kama hayso warbixintaas. Maadaama oo aad tahay ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya, maxaad war ka haysaa warbixintaas laga diyaariyey Somaliland?

Arrintaas hadda faallo kama bixin karo. Weli maan gaadhin heer aan ka dhammaado Somaliya oo aan u gudbo Somaliland. Marka ugu horreysa ee aan xaaladda wax ka ogaado, ayaan aaminsanahay in ay noqon doonto waqtiga ugu habboon ee aan ka faalloon karo arrintaas. 

Xaaladda macaluusha ee timid ayaa caqabad ku noqotay qorshayaal badan oo aanu ka lahayn Puntland iyo Somaliland labadaba. Aynu sugno oo eegno, aynu isu habayno sidii aynu ula tacaali lahayn xaaladdan macaluuleed, oo aan ka jirin Somaliya oo keliya, balse ay la wadaagaan Ethiopia iyo Kenya. Marka hawlaha diyaar garowgu dhammaadaan waxa la samayn doonaa koox kama damays ah oo qaybisa cuntada gargaarka, markaa kadib ayaa sida aan filayo aynu u iman karnaa arrinta Somaliland. Somaliland waxaa ka jirta nabad waxoogaa ka badan ta ka jirta deegaannada kale ee Somaliya.

Somaliland in ay nabadi ka jirto waa hubaal, mana aha mid yar.. ee waa nabad xoogan.

Dawladaha reer galbeedku marka ay ka hadlayaan aqoonsiga Somaliland waxa ay inta badan ku soo riixaan Midowga Afrika.  Maxay midowga Afrika ka qabaan aqoonsiga Somaliland iyada oo imika uu meesha ka baxay marmarsiinyihii ahaa in aan waxba laga beddelin xuduudaha gumaystihii ka tegey ee Afrika. Waxa aan u malaynayaa in aanay arrintaas imika cidi is weydiinayn, maadaama oo Koonfurta Sudan ay ka go’day Sudan, xuduuddii Sudan-na ay is beddeshay?

Arrintaas in aan hadda ku lug yeesho ma jecli. Aynu marka hore sugno waxa aynu u qaban karno Somaliya si xasiloonidii loogu soo dabbaalo?

Illaa hadda waxa aanu aragnaa caawimo lagu sii wado abaaraha Koonfurta iyo badhtamaha Somaliya, iyada oo ay abaaruhu ka jiraan guud ahaanba gobolkan Geeska Afrika. Maxaa illaa hadda laga taray kaalmaynta dadka abaaruhu ku wax yeelleeyeen Somaliland?

Maya, maya, maya, uma aan jeedin in aan ka hadlo koonfurta iyo badhtamaha Somaliya oo aanan soo hadal qaadin qaybaha woqooyiga. Dhammaan qaybahaas waa la tilmaamay. Laakiin waxa ay ku xidhan tahay hadba sida loo helo agab iyo xaddiga gargaar ee ay diyaaraduhu soo qaadi doonaan. Ma aaminsani in ay jiri doonaan meelo si gaar ah loo doortay.

Mudane Madaxweyne, (Hore ayuu u ahaan jiray madaxweynaha Ghana) in kasta oo aad imika uun ii sheegaysay  in aanad imika diyaar u ahayn inaad ka hadasho arrimahan xassaasiga ah, Bal noo sheeg aragtidaada shakhsiga ah ee ku aaddan qadiyadda Somaliland iyo doorashooyinkii dhowaan ka dhacay Somaliland?

Doorashooyinku waxa ay ku dhacaan mabaadii’. Haddii ay yihiin kuwa ka dhacaya Somaliland ama Somaliya labadaba. Waxa ay ku yimaaddaan doonista dadka. Ma garatay? Doorashadu waa hannaan isku duubni ku yimaadda. Anigu ma ogi wixii doorashooyinkaas ka dhacay, waana taas sababta aan kuu leeyahay dareenkayga oo dhan waxa aan ku jiheeyey arrimaha la xidhidha raadinta kaalmada. Berri waxa aan tegayaa Nigeria, waxa aan tegi doonaa Koonfur Afrika, kadib waxa aan uga sii gudbi doonaa Namibia, aniga oo sidoo kale soo mari doono dalka Algeria si aan uga mahadnaqo deeqda ay bixiyeen, sidoo kale bariga dhexe ayaan tegi doonaa.

Mudane aan kaa dhex galo ee iga raalli noqo. Goorma ayaad Somaliland imanaysaa?

Waan iman doonaa, sidoo kale Puntland ayaan tegi doonaa. Soomaaliya oo dhan iyo Somaliland ba waan tegi doonaa. Anigu waxa aan si gaar ah diiradda u saarayaa dhinaca amniga, waxa aan raadinayaa in aan helo meel aan si xor ah ugu shaqayn karo. Laakiin waa hubaal in aan soo booqan doono Somaliland.

Tegitaankaaga dalalka aad soo sheegtay oo dhami, ma waxa uu xidhiidh la leeyahay abaaraha Soomaaliya?

Haa, Haa. Soomaaliya ayaan u socdaa, kulligiin ayaan u socdaa, Geeska Afrika oo dhan ayaan u socdaa.

Waa maxay farriintaada ku waajahan xaaladaha hadda ee Somaliland iyo Soomaaliya ee aad gaadhsiinayso dalalka Afrika?

Aad baad u mahadsan tahay, waxa aan leeayahay. Waa in aynaan sugin inta ay ina hor imanayso masiibo kale oo ceeb innagu noqota. waa in aynu wax uun, haba yaraato ee, ka tarnaa macaluusha ka jirta Geeska Afrika. Waa taas farriinta aan gaadhsiinayaa, marka aan si dhab ah kula hadlana dhammaantood waa u diyaar in ay gacan kaalmo ka geystaan arrintan.

Miyaanay sidoo kale fiicnayn in aad dalalka deeqda bixiya kala hadasho in ay Geeska Afrika ka bilaabaan mashaariic dhinaca beeraha ah?

Taasi waxa ay qayb ka tahay qorshaha aanu la tegi doonno marka la gaadho kulanka qaadhaan ururinta, marka la gaadho bixinta qandaraasyada qaadhaankana, WHO,  WFP iyo cid kastaaba waa ay ka qayb qaadanaysaa , oo ay eegaysaa baahiyaha beereed ee Somaliya.

Wargelin: Akhriste, warkan oo ku qoran luuqada Ingiriisida waxaad ka akhrisan kartaa cadadka Isniinta beri ee jariirada The Horn oo mataano la ah Wargeyska Geeska Afrika.

Comments are closed.