Taageerayaal Iyo Masuuliyiin Ka Tirsanaa Kulmiye Oo Ku Biiray Xisbiga UCID

0
725

1Hargeysa (Geeska)-Masuuliyiin iyo Taageerayal aad u badan, oo ka tirsana Xisbiga talaldda dalka haya ee Kulmiye, ayaa ku biiray una digo rogtay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID.

Guddoomiyihii Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil, qaar ka mid ah Masuuliyiintii Kulmiye iyo Taageerayaashoodii Degmooyinka Gacan Libaax iyo 26-june oo ku soo biiray Xisbiga UCID ayaa munaasibad balaladhan loogu qabtay xalay Crown Hotel.

Munaasibadan oo ay ka soo qeyb galeen Madaxda sare ee UCID sida Guddoomiyaha Xisb igaas Faysal Cali Waraabe, Musharax Madaxweyne ku xigeenka UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, Madax dhaqameed iyo taageerayaal aad u tiro badan ayaa ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga UCID, waxaanu soo dhaweeyey Taageerayasha iyo Masuuliyiinta ku soo biiray, waxaanu yidhi “Xisbiga UCID waa Xisbiga ugu da’da weyn Xisbiyada dalka ka jira, waa Xisbi Dimuqraadiya, oo Somaliland sida ay godoonka u gashay umay gasheen haddii uu xilka dalka qaban lahaa, oo if iyo aakhiro mid ayuu ku dari lahaa, waxa badan ayuu u qaban dalka, cadaalada ayuu ku shaqayn lahaa, horumarka dalka ayuu ku dadaali lahaa”.Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo isna halkaas ka hadlay ayaa gacmo furan ku soo dhawweeyey Taageerayaashan ku soo biiray, waxaanu sheegay in hadda la joogo wakhtigii uu UCID taladda dalka qaban lahaa.

Masuuliyiinta iyo Taageerayasha ku soo biiray Xisbiga UCID oo iskugu jira Masuuliyiin Rag, Haween iyo Dhalinyaro leh, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay garab taagan yihiin Xisbiga UCID.