“Dilalka Ciidamadu Waxay La Kowsadeen Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xukuumadiisa”

0
518

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ku dooday in dilalka saraakiisha ciidamada ee ay laynayaan askartoodu ay la kowsatay Madaxweyne Siilaanyo iyo maamulkiisa.

mmmmmmmmmmmmmmm

Guddoomiye xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed, oo saxaafadda kula hadlay Borama, wuxuu tilmaamay in laynta saraakiishu salka ku hayso maamul xumo baahsan oo dalka ka jirta, waxaanu tacsi u diray ciidamada booliska, qoyska iyo ehelada uu ka geeriooday taliyihii ciidamada SPU ee gobalka Saaxil oo uu khamiistii toogtay askari Boolis ahi.  “Dilka ciidamadu wuu inagu soo noqnoqday ama ha noqoto kii Ceerigaabo, kii Borama ama kii Hargeysa ka dhacay dilalka sraakiishu mar walba way inagu soo noqnoqanayaan, waxaanay dilalkaasi la kowsadeen oo dilalkaasi la bilaabmeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee talada haysa.” ayuu yidhi Muumin Seed oo intaas raaciyay inaanay xukuumadihii hore ka jirin dilalka saraakiishu, “Ma jirin xukuumadihii hore gumaadka ay ciidamadu saraakiisha laynayaan, waxaanan isleeyahay waa maamul xumo baahsan, sababtoo ah hore umay dhicin intay Somaliland jirtay taliye ciidan oo ciidamada   ahooseeyaa dilaan.” Wuxuu ku baaqay in sharciga la horgeeyo askarta dilalka ku fulisay saraakiisha kala duwan ee ka tirsan ciidamada Somaliland.