Markabkii MV/Layla Ee Ganacstada Somaliland U Rarnaa Oo Madax Furasho Lagu Soo Daayay

0
686

LeilaHargeysa(Geeska)-Kooxaha budhcad badeeda ah ee Puntland ayaa laba bilood ka dib shalay soo daayay markabkii u rarnaa ganacstada Somaliland ee ay afduubeen , kaas oo lagu magacaabo Mv/Layla.

Markabkaas oo siday adduun kala duwan oo lagu qiyaasay dhawr milyan oo Dollar, ayaa kooxaha budhcad badeeda ahi waxa ay soo faasaxeen shalay barqadii ka dib markii la siiyay lacag madax furasho ah oo laga ururiyay ganacstadii uu u rarnaa, taas oo qadarkeeda lagu sheegay inta u dhaxaysa $ 250,000 ilaa $ 300,000 (Laba boqol iyo konton kun ilaa saddex boqol oo kun oo dollar).  Markabka oo shalay ka soo baxay xeebaha Puntland ee lagu haystay, ayaa waxa la filayaa inuu magaalada Berbera toddobaadkan soo gaadho.

Budhcad badeeda Puntland ayaa dhibaato ku haya guud ahaan maraakiibta adduunka, waxaana jeelasha kala duwan ee caalamka ku jira budhcad badeed tiro badan oo deegaanadaas ka soo jeeda. Dawlad goboleedka Puntland oo dhawr goor ku hanjabtay inay xoog ku soo furan doonto markabkaas ayaa ku fashilantay inay soo furato.