Markab Shidaal U Siday Shirkadda Red Sea Kuna Soo Jeeday Dekedda Berbera Oo Ay Budhcad Badeeda Puntland Shalay Afduubtay

0
950

 

markaabHargeysa(Geeska)-Budhcad badeeda u dhalatay deegaanada Puntland ayaa shalay afduubay markab siday shidaal oo ku soo jeeday dekedda Berbera.

Markabkaas oo ay leedahay shirkadda Red Sea oo ah shirkad ay iska leeyihiin ganacsato reer Somaliland ahi, ayaa siday shidaal lagu qiyaasay 3500 oo ton oo shidaal ah oo isugu jiray Batrol iyo Naafto. Inkastoo aanay shirkadda Red Sea wax war ah ka soo saarin afduubka markabkaas, haddana wararka uu Geeska Afrika helay waxay sheegayaan in budhcad badeedu  ay markabka duhurnimadii shalay ka afduubtay biyaha dalka Cumaan isagoo ka soo shiraacday dalka Imaaraadka Carabta.

Budhcad badeeda ayaa la sheegay inay markabka shidaalka u siday shirkadda Red Sea ula shiraacdeen dhinaca xeebaha Puntland oo ah deegaano ay ku xidhaan maraakiibta iyo doonyaha kala duwan ee ay afduubaan.