Kooxda Aqonyahanka Madaxabanan Oo Soo Bandhigay Caqabadihii Ka Horyimid Guddigii Ka Tallo Bixinta Ururada

0
291

 

Hargeysa(Geeska)-Kooxda aqoonyahanka madaxabanaan ayaa qoraal dheer oo ay soo saareen waxa ay kaga hadleen shirkii nabadeed ee dhawaan ku qabsoomay Widhwidh, furashada ururada siyaasadda iyo qodobo kale.

Kooxda Aqoonyahanka madaxabanaani waxa ay sheegeen in shirkii Widhwidh uu muujinayo bisaylka reer Somaliland ee dhinaca nabadaynta, waxa kale oo ay sheegeen in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo furista ururada siyaasadda ku heshay sumcad dibadeed iyo mid maxali ah.  Waxa ay kooxda aqoonyahanka madaxabanaani tiriyeen qodobo tiro badan oo caqabad ku noqday hawshii guddigii ka soo tallo bixisay furashada ururada siyaasadda, balse lagaga gudbay masuulnimo. Qoraalka kooxda aqoonyahanka oo aad u dheer ayaa sidan u qornaa: “Qaybta 1aad: Shirweynihii Widhwidh ee Nabadaynta Bariga Somaliland

i. Hordhac

Waxaa durba Widhwidh ku qabsoomay laba shir oo muujiyey rajada nabad ka hirgasha deegaannada Dhulbahante. Labada shirba waxay ku qabsoomeen waqti iyo duruufo adag oo muraayad u ah bilawga nabad iyo dibuheshiin ka dhex dhalata khilaafka ka jira aaggaas. Arrintaasi waxay muujinaysaa in xilligii khilaafka hubaysan iyo gacan-ka-hadalku  gabogabo yahay iyo in ifafaalihii nabadaynta iyo wada-hadalku si taxadir leh u soo ifayaan. Wejigii hore hawlahan waxaa bilaabay rag ganacsato ah, waana xaqiiqo macno u yeelaysa taxanaha wada-xaajoodka, waayo kamay dhalan dano siyaasadeed balse waxay ka soo maaxatey iskuday lagu furdaaminayey sidii xal waxku-ool ah loogu heli lahaa dhibaatooyinka ay la kulmeen ganacsato badeecadaha muhiimka ah u kala gudbiya gobolka Sool iyo derisyadiisa. Ragga hawlahaasi bilaabay waxay ka soo gudbeen caqabado badan iyo culays kaga imanayey dhinaca kale ee khilaafka, iyagoo ku qancay in nabaddu u faa’iido badan tahay ganacsiga iyo adeegyada kale ee baahiyaha kale.

Shirweynihii hore wuxuu qabsoomay bishii Oktoobar 2010, wuxuuna muhiim ku ahaa in qaybo ka tirsan beesha Widhwidh Garaadkooda culays ku saareen inuu hhormood ka noqdo habraaca nabadda, wuuna ka aqbalay inkastuu waqti dambe isbeddeley. Shirweynaha labaad waxaa hindisey hormoodna ka ahaa xubno ka tirsan garabka hubaysan ee SSC (Sool, SNaag iyo Cayn) oo go’aansaday in ay nabad ku gorgortamaan . Shirkan labaad wuxuu ku bilawday si kooban balse meel dhexe ayuu ka ballaadhay, isuna rogey shirweyne sal ballaadhan si mug lehna 8 ardaa oo reer Sool,  xubno SSC ah iyo wefdi xooggan oo Xukuummadda Somaliland  ahi ka soo qayb galeen. Arrintaasina mar labaad waxay tusaysaa baahida dhabta ah ee loo qabo nabadda. Labada dhacdoba waxay daba socdaan mawqifka dhabta ah ee Madaxweyne Siilaanyo iska taagey nabadaynta iyo la xaajoodka bulshada reer Sool iyo sidaanuu waxba ugala hadhinta soo afjariddii shaqaaqadii Kalshaale ee dhibta badnayd.

ii. Muxuu shirkii guulo xaqiijiyey?Ugu horrayn, in shirku ku qabsoomay aaggii SSC ee khilaafku ka taagnaa, ayna shirka wadeen xubno ka soo jeeda SSC ayaa muujinaysa in waqtigii nabadda iyo wada-xaajoodka la gaadhey. Waxaa kaloo muuqata in SSC u bislaanayso in ay noqoto wakiil lala xaajoon karo isla markaana u meteli kara danaha Dhulbahante miiska wada hadal dhab ah.  Arrinta saddexaadna, waa xukuumadda  Somaliland oo muujisay siday ugu adagtahay mawqifkeeda ku baaqa nabadda iyo in aanu jirin jid kale oo lagu doorsadaa. Arrinta biyo kama dhibcaan ah ee aan loo kala leexanayni waa in dawlad iyo shacabba ku dhaqmaan waayo-aragnimadooda nabadaynta iyo dibu-heshiinta ee ilaa heer caalami loo aqoonsaday isla markaana xirfadaheedii ku dhaqanka iyo masuuliyaddeeda ay ku soo meelmareen laga soo bilaabo 1992dii shirweynihii Nabadaynta ee Burco, ee laga wada qaybqaatay saxeexiisa. Arrinta afraadna, waa shirkaa oo toosh ku ifiyeye xoogagga saamaynta ku leh arrimaha Sool sida: SSCda, hoggaan dhaqameedka Dhulbahante iyo ardaayadooda, qurbajoogga kala duwan sida siyaasiyiinta caanka ah, dawladaha Somaliland, Puntland, TFG iyo xarakooyinka kala duwan ee Koonfurta ka jira.

iii. Muxuu raad ku yeelan karaa shirweynaha Widhwidh nabad waarta iyo degganaansho reer Sool ku naalloodaan? Waa tusaale rajosan ka iftiiminaya in meel aamindarro iyo qabqablennimo dagaal ka jirto, geesinnimada shakhsiyaad gaar ahi dumin karto kala qoqobnaantii, iyo nacaybkii isla markaana nafta u hureen siday dhinacooda uga midho-dhalin lahaayeen. Taxanahani wuxuu tusaale fiican u noqon karaa guud ahaan reer Sool iyo bulshada Dhulbahante in ay b) in ay la xaajoodaan deriskooda nabad iyo degganaanshona ku wada dhaqmaan sida ka hirgashay gobolka Sanaag horraantii 1990aadkii, d) in loo hawl galo sidii nabad buuxda, horumar iyo arrimo maamul looga wada-xaajoon lahaa; t) Go’aannada rasmiga ah ee shirweynuhu waxay  hage lagu hirto iyo aasaasba u noqon karaan wada-xaajood sal ballaadhan. Waxaa aad loogu baahan yahay sidii dib loogu soo noolayn lahaa isaamin dhexmara bulshooyinka deriska ah si ay u wada noolaadaan maankoodana uga saaraan hadhaagii dagaallada sokeeye ee noloshooda leelleelka baday. 

Shirweynaha Widhwidh waxaa laga baran karaa waayo-aragnimo labada dawladeed ee  Somaliland iyo Puntland ka wada xaajoon karaan nabad iyo xasillooni ka hanaqaada gobolkaas.Labadoodaba waxaa khatar  ku ah saamaynta kooxaha xag-jirka ah ee Koonfurta, taasoo lagamamaarmaan ka dhigaysa iskaashigooda hadday sidaas isla fahmaan. Waxaa kaloo intaas dheer, haddii maamulladu sii wadaan inay sii shidaan khilaafyada bulshada madaniga ah, waa in ay maanka ku hayaan in falalkoodu aanay keeni Karin oo keliya in laga soo kaban waayo khilaafyada muddada dheer socdey balse ay khatar gelinayaan jiritaankooda iyo amnigooda waqtiga fog ee gobolkan go’doonka ah , loogana baahan yahay in beesha caalamku isha ku hayso.  

iv. Talooyinka Kooxda ee Arrimaha Nabadda Sool

1. Xukuumadda Somaliland waa in ay ku adkaysato jidka wada-hadalka iyo xal raadinta lagu xaqiijinayo dibu-heshiinta. Habraacii widhwidh wuxuu ina tusayaa irid laga geli karo iyo fursad wada-hadal ardaayada kale ee Dhulbahante, SSC oo dhan, hoggaan dhaq