Marka Uu Qofku Dhaafo 30 Jir Xusuustiisu Hoos U Dhac Ayaa Ay Bilowdaa, Laakiin Weli Xal Baa Jira

0
558

Prague  (Geeska)- Daraasad ay diyaarisay xarun caafimaad oo ku taalla caasimadda dalka Czech ee Prague ayaa sheegtay in xasuusta maskaxda oo si maalinle ah looga shaqaysiin waayaa ay keento hoos u dhac ku yimaadda awooddeeda xasuusta.

Cilmibaadhistan waxa lagu sheegay in xitaa haddii uu qofku dhalinyaro yahay balse aanu maskaxdiisa gaar ahaan qaybta xasuusta mar kasta ka shaqaysiin ay dhacayso in uu illowgu ku bato. Maskaxdu waxa ay la mid tahay muruqyada jidhka oo sida la og yahay dabca isla markaana daciifa haddii aan la daryeelin oo jimicsi iyo waxyaabaha la mid ah loo samayn, maskaxduna sidoo kale waxa ay u baahan tahay daryeel uu ka mid yahay jimicsiga oo ah ka shaqaysiinteeda.

Cilmibaadhistani waxa ay sheegtay in qofka da'diisu marka ay gaadho 25 sano ay maskaxdu bilowdo inay hoos u dhacdo sannad walbana wax ka sii dhacaan. Laakiin lama dareemo illaa uu qofku gaadho da'da 50 illaa 60 jirka oo ay ku adkaato in uu xasuusto wax yaabihii soo maray.

Drs. Avana Martenkova oo madax ka ah xarun caafimaad oo ku taalla magaalada Prague ayaa mar ay daraasaddan ka hadlaysay sheegtay in khal-khalka dhinaca xasuustu uu si cad u soo if-baxo mar kasta oo qofka gu' u kordho laakiin haddana heerka daciifiddaas iyo saamaynteeda ay dadku ku kala duwan yihiin. Tusaale ahaan marka da'da qofka 30 sano jir dhaafto waxa ku adkaada barashada wax yaabaha cusub gaar ahaan marka la barbar dhigo da'da labaatanaadka oo wax waliba u fudud yihiin dhinaca xasuusta iyo barashada. Waxa ay daraasaddu sheegtay in boqolkiiba 50 dadka da'doodu dhaafta 60 jirka ay xasuustoodu daciifto, iyaga oo intaas ku sii daray, in dacfiga ku dhaca maskaxda qofku uu ka bilowdo meel hoose oo tusaale ahaan ah in qofku xasuusan waayo halka uu muraayaddiisii ama furihii kaga tegey, ama isaga oo inta uu furay tallaagada ama kabadhka garan waaya waxa uu doonayey in uu la soo baxo, ama inta uu talefanka la soo baxo xasuusan waaya qofkii uu rabay in uu la hadlo, ama qof uu si fiican wejigiisa u garanayo oo uu magaciisii ama halka ay isku barteen xasuusan kari waayo.

Dhanka kale waxa ay daraasaddani soo bandhigtay hab ay sheegtay in qofku uu kaga dheeraan karo in xasuustiisu lunto xitaa haddii ay da'diisu weynaato, habkaas oo aad u fudud ayaa ah in qofku mar walba maskaxdiisa ku mashquuliyo xasuusta shaqo ama arrin ay tahay in uu fuliyo ama xal ka gaadho. Waxa ay tani maskaxda ka dhigaysaa mid mar kasta ku jirta hawl joogto ah oo xasuusasho ah. Waxa kale oo xasuusta ilaaliya qofka oo si joogto ah u seexda hurdo ku filan.

Talooyinka kale ee ay xeeldheerayaashu siiyeen qof kasta oo jecel in xusuustiisu ay xoogaysato waxaa ka mid ah; wax-akhriska badan, in ay ka shaqeeyaan xisaabo badan oo joogto ah iyo in ay si joogto ah maskaxdooda ugu dirqiyaan xasuusashada waxyaabo badan oo ay ka mid tahay dhacdooyinka sannadihii hore. Sidoo kale, doodda fayow iyo fikrad is-dhaafsiga ayaa ka qayb qaata korinta maskaxda.

Ugu dambayntiina waxa ay khubarada daraasaddan samaysay kula taliyeen dadka jecel in ay xasuustooda ilaaliyaan in ay ugu yaraan toddobaad kasta laba jeer cunaan kalluun, isticmaalka saliidda loo yaqaanno Saliid Saytuunka , khudaarta, jimicsiga, Vitamin C iyo B iyo weliba in qofku uu ku dadaalo barashada wax yaabaha cusub, oo ay tusaale u soo qaateen barashada luuqadaha shisheeye, furfurista hal xidhaalayaasha  iyo in aanay rumaysan odhaahda tidhaahda maskaxda ayaa daasha.

Waxa ay daraasaddu ugu bushaaraysay dadka raaca tallaabooyinkani in ay helaan xasuus mar kasta firfircoon oo si fudud u soo dhufata xusuusaha ku duugan, xitaa haddii uu qofku da' ahaan weynaado.