Jabuuti: Weerar Lagu Dilay 6 Askari Iyo Kuwo Kale Oo La Baadi-goobayo

0
713
Soldiers belonging to the African Union Mission in Somalia (AMISOM) welcome the President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, and the President of Djibouti, Ismaïl Omar Guelleh, to Beletweyne, Somalia, on February 22. AMISOM Photo / Ahmed Qeys

Jabuuti (Geeska) – Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa ka bilaabmay baadi-goob lagu raadinayo lix askari oo la la’yahay, ka dib markii ay weerar ku qaaday Jimcihii koox fallaago ah.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in garabka hubeysan ee Jabhadda Dib-u-soo-celinta Midnimada iyo Dimuqraadiyadda ay weerar ku qaadeen saldhig ku yaalla waqooyiga Jabuuti, halkaas oo ay ku dileen 7 askari.

Jabhadda F.R.U.D. ayaa la aas-aasay muddo sofdon sano ka hor ah si ay ugu dagaalanto xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee Canfarta.

Kooxdaan ayaa markii dambe laba garab noqtay, mid ka mid ah garabyadaas ayaana taageeray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo talada haya in ka badan labaatan sano.

Askarta weerarka ku dhimatay ka sakow, waxa Raq iyo ruux aan la haynin 6 askari, kuwaasi oo ah kuwa la baadi-goobayo.

Xigaho: BBC