Maraykanka Oo Xayiraad Ku Soo Rogay Dad U Dhashay Bariga Afrika

0
623

USAMaraykankaka ayaa cunaqabateyn dhaqaale ku soo rogtey lix ruux oo u dhashey waddamada Bariga Afrika oo lagu eedeynaayo in ay taageeraan Al-Shabaab.

Maraykanka ayaa xayirey hantida dadkani oo ka soo kala jeeda Kenya, Eritrea iyo Sudan.

Raggani waxaa kamid ah Colonel Te-wolde Negash oo ah sarkaal la sheegey in uu ka tirsanyahay sirdoonka Eritrea oo uu si toos ah ula shaqeynayey Al-Shabaab.

Saddex ruux oo kale waxay u dhasheen dalka Kenya waana Aboud Rogo Mohammed, Abubaker Shariff Ahmed iyo Omar Awadh Omar.

Aboud Rogo iyo Aboubakar Sharif ayaa hore maxkamada loogu soo taagey dalka Kenya, iyagoo lagu eedeynaayo inay xidhiidh la leeyihiin weeraro halkaasi ka dhacey.

Maraykanka ayaa horey u sheegey in lacago madax furasha ah oo malaayiin doolar ah uu siinaayo cidii u soo gudbiso wararka la xiriira qaar kamid ah madaxda urruka Al-Shabaab.