Yaasir Carafaat Oo La Xaqiijiyey In Uu U Dhintay Sunta Polonium

0
713

carafaatCaafimaad ahaan weli ma jiraan calaamado rasmiya oo dhakhaatiirtu isku waafaqsan tahay in lagu garan karo qofka Polonium ku sumoobay, sababaha aan illaa hadda la isula meel dhiginna waxaa ka mid ah iyada oo ay weli aad u yar yihiin xaaladaha ku sumowga Polonium ka, laakiin sida ay sheegeen dhakhaatiirtii gacanta ku haysay basaaskii Ruushka ee Alexander calaamadaha lagu arkay waxaa ka mid ahaa, Shuban xad dhaaf ah, Miisaanka oo si dhaqso ah u luma (Qofka oo dhuubta), iyo matag, sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in calaamadahan dhammaantood lagu arkay Caraat intii uu xanuunkan soo boodada ahi helay kadib.

Heerka Polonium ee laga helay dharka Carafaat:

Khubarada mac-hadka Lausanne waxa ay sheegayaan in xaddiga maadadda Polonium ta ah ee ay ka heleen dharka iyo xamaamta kale ee Carafaat ay tahay mid toban laab ka badan xaaladaha caadiga ah, warbixinta uu mac-hadkani soo saaray oo uu u sameeyey talefishanka Aljazeera waxa uu ku sheegay in xataa marka la eego basaaskii Alexander heerka maadaddan ee laga helay uu aad uga yar yahay inta hadda laga helay raadka Carafaat.

Dharka shakhsiga ah ee Carafaat, gaar ahaan dharka laga helay dareerayaasha (Dhiigga, candhuufta iyo kaadida) waxaa lagu ogaaday in heerka polonium aad u sarreeyo, tusaale ahaan burushkii ilkaha ee Carafaat waxaa laga helay maadaddan xaddi gaadhaya illaa 54 Millibecquerels (mBq) oo ah hal-beegga lagu qiyaaso Polonium ka. Dharka lahaa kaadida Carafaat waxaa laga helay xaddi maadaddan ah oo qiyaasteedu tahay 49 Millibecquerels (mBq) halka nin kale oo qiyaas ahaan loo barbar dhigay isaga kaadidiisa laga helay 6.7 Millibecquerels (mBq) oo keliya. Waxa aanay khubaradu aaminsanyihiin in xaddiga maadadda polonium ee toddoba sano kadib heerkan maraya macnaheedu yahay in markii uu Carafaat dhimanayey oo ahayd dabayaaqada sannadkii 2004-ta ay maraysay xaddi aan qiyaas lagu garan karin badni darteed. La soco…

Dhakhaatiirta magaalada Lausanne ee shaybaadhka ku samaysay xamaamta Carafaat iyo dhakhaatiir kalaba waxa ay sheegeen in warbixinta caafimaad ee  dhakhtaatiirtii Paris (Cisbitaalkii uu Carafaat ku dhintay) ay muujinayso in sababaha uu Carafaat u dhintay ay noqon karaan dhowr. Dr. Patrice Mangin oo sharciga caafimaadka ku xeel dheer ayaa isaga oo ka faalloonaya warbixinahan waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Sababtu ma’ay ahayn beer burbur, lagamana helin wax raad ah oo muujinaya kansarka dhiigga raaca ee Leukemia iyo noocyada kala duwan ee kale ee kansarka. AIDS-ka iyo cudur-sidayaasha sababa midkoodna calaamaddiisa laguma arkin”

Dhakhaatiirta shaybaadhka ku samaysay Yaasir Carafaat waxa ay raaceen raadadka dareerayaasha Carafaat ee ay dharkiisa ka heleen, waxa ay markii hore rajaynayeen in ay cisbitaalka Paris ka helaan dhiiggii iyo kaadidii Carafaat oo qoyan si ay u baadhaan, laakiin cisbitaalkii milateriga ee uu yaallay waxa uu u Suha Carafaat u sheegay in dhammaan hadhaaga dareerayaashii Carafaat laga takhalusay, geeridiisii kadib.

Si kastaba ha ahaato ee Suha Carafaat waxa ay arrintaa ka tidhi, “Maan ku qancin jawaabtaa uu cisbitaalka milateriga ee Paris i siiyey, waayo caadi ahaan dadka muhiimka ah, sida Carafaat oo kale, waa ay kaydiyaan dareerayaashooda (Dhiigga, Kaadida, Candhuufta iwm). Waxa suurtogal ah in ay iska diidayaan inay arrimahan ku lug yeeshaan”

Arrinta kale ee yaabka lihi waxa ay tahay in qaar badan oo ka mid ah dhakhaatiirtii daweynaysay Carafaat laga mamnuucay in ay haba yaraato ee ka hadlaan qadiyaddan, waxaa loo sheegay in aanay waxba ka odhan karin xaaladda Carafaat, xataa haddii ay Suha Carafaat ogolaato, waxa aanay arrintaa ku sababeeyeen in xaaladda caafimaad ee Carafaat loo aqoonsaday sir milateri, sidoo kale qaar badan oo ka mid ah dhakhaatiirtii Carafaat daweynaysay ee jooga Masar iyo Tunisia ayaa iyaguna diiday in ay Talefishanka Aljazeera kala hadlaan xaaladda caafimaad ee Marxuum Carafaat.

Talefishanka Aljazeera ee baadhitaankan xiisaha badan diyaariyey markii dhakhaatiirtaasi u diidday in ay war run ah ka sheegaan xaaladdii Carafaat, waxa uu baadhitaankiisa ku yidhi, “Maadaama oo albaabadii arrintan lagu xaqiijin lahaa ay soo xidhmeen, waxaa hadda suurtogal ah in hadhaaga maydka Carafaat oo dib loo soo saaro si loo baadhaa uu yahay jidka keliya ee hadhay ee lagu heli karo caddayn muran la’aan ah” In maydka Carafaat la soo saaraa waxa ay u baahnayd in uu ogolaado maamulka Falastiiniyiintu, haddii loo baahdo in dibadda looga saaro dhulka Falastiiniyiinta si dalal shisheeye loogu soo baadhaana waxa ay u baahan tahay ogolaanshiyo laga helo xukuumadda Israel.

Madaxweynaha maamulka Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas, isagu waxa uu sheegay in haddii baadhitaankan looga baahdo in la soo faqo maydka Carafaat inuu isaguna ogolaanayo. Israel weli may caddayn in ay bixinayso ogolaanshiyo dalka dibaddiisa loogu saaro xubno ka mid ah maydka Carafaat si shaybaadh loogu sameeyo, laakiin waxa ay si adag u diidday in ay haba yaraato ee wax lug ah ku leedahay dhimashadiisa.

Israel waxa ay warbixinta Aljazeera ee sheegaysa in Carafaat la sumeeyey ku tilmaamtay mid been abuur ah.

Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa si rasmi ah dalkiisa uga fogeeyey eedaha la xidhiidha dhimashada Carafaat. War saxaafadeed uu dorraad soo saaray afhayeenka Netanyahu ayaa lagu yidhi, “Eedaha Israel lagu soo jihaynayo ee ah in ay xidhiidh la lahay dhimashadii Carafaat waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn” 

La soco….

 

 

 

 

Israel waxa ay ku doodaysaa in xaqiiqada dhimashada Carafaat ay og yihiin masuuliyiinta Falastiiniyiinta iyo weliba xaaskiisa Suha Carafaat, oo ay si badheedh ah u qarinayeen, waxa aanay ku hanjabtay in haddii eedaha iyada ka dhanka ah la sii wado ay sii deyn doonto xogo ay ka hayso dhimashada Carafaat oo sheegaya in ay xidhiidh la lahayd cudurka AIDS ka.

Sida laga warqabo sannadkii 2002-ta ayuu raysalwasaarihii xilligaas ee Israel Arial Sharon cudud ciidan oo aad u xooggan ku weeraray guriga uu ka arrimin jiray Yaasir Carafaat, dabaabadaha Israel ayaa burburiyey qaybo badan oo ka mid ahaa guriga, waxa aanay ka jareen laydhka iyo mararka qaarkood biyaha. Iyada oo weliba ay ciidamadeedu galeen qaybo ka mid ah qasrigan oo uu ku jiro qolka ku dhegsanaa xafiiska uu Yaasir Carafaat go’doonka ku dhex ahaa.

Israel go’dooninta gurigan waxa ay wadday muddo laba sano ah oo uu Carafaat qolkii xafiiska u ahaa ku jiray habeen iyo maalinba, waxaanay go’doomintii qaadday markii uu dhintay Yaasir Carafaat. Xilligaas ay Israel Carafaat go’doomisay waxaa soo baxay ereyo uu wasiirkii difaaca Israel Shaul Muvaz ku tiraabay isaga oo ka war la’ in ay agtiisa yaalleen sameecadaha saxafiyiintu, ereyadaas oo ay ka mid ahayd, “Waa in aynu ka takhalusnaa” isaga oo u jeeda Yaasir Carafaat. La soco…