Maraykanka Oo U Digay Muwaadiniintiisa Ku Sugan Somaliland Iyo Jawaabta Ay Xukuumaddu Ka Bixisay

0
489

 

Picture5Nayrobi(Geeska)-Dawladda Maraykanka ayaa u digtay muwaadinteeda ka shaqeeya ama booqanaya Somaliland, waxaanay sheegtay inay ka war hayso khataro ku waajahan reer galbeedka oo ay ku jiraan kuwa Maraykanka u dhashay.

Hadal qoraal ah oo soo saartay safaaradda Mareykanka ee Nayrobi ayaa lagu sheegay inay heleen warar lagu kalsoon yahay oo ah khatar soo dhow oo ka dhan ah dadka reer galbeedka ah oo ay ku jiraan dadka u dhashay Mareykanka ee ka shaqeynaya ama booqanaya Somaliland.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in la xusuusinayo dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ee Soomaaliya jooga ama ka fakaraya inay u safraan qeyb ka mid ah Soomaaliya in wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka ay kula talineyso muwaadiniinta Mareykanka inay iska ilaaliyaan dhamaan safarada Soomaaliya.

Dadka Mareykanka ee hadda Soomaaliya ku sugan waxay safaaradda Nairobi ku boorrineysa inay dib eegaan qorshahooda ammaanka qof ahaaneed, inay la socdaan waxyaabaha hareerahooda ka dhacaya oo ay ku jiraan waxyaabaha dalka gudihiisa ka dhacaya iyo inay la socdaan wararka warbaahinta  gudaha si joogto ah.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay iyada bishii hore ay dowladda Britain ay uga digtay in dhamaan dadkeeda ka soo baxaan Somaliland.

Hase yeeshe xukuumadda Somaliland Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay isla markaana jawaab ka bixisay warbixintaas Maraykanka.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in ammaanka Soaliland uu yahay mid sugan, waxase uu beesha caalamka ugu baaqay inay dalkiisa la yeeshaan iskaashi iyo wada shaqayn la xidhiidha dhinacyadda ammaanka iyo la dagaalanka Argagixisadda.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo u waramay BBC-da ayaa sheegay in ay xukuumad iyo shacbiba ku kalsoon yihiin amaanka Somaliland, isla markaana aanay jirin wax cabsi ah oo Somaliland ka jirtaa. “Annagu dawlad ahaan iyo shacbi ahaanba inta awoodayda ah, waxaanu ku kalsoon nahay amniga dalka, nabadgelyadana waa wax lagu yaqaano Somaliland labataanka sano muddada ka badan ee aan jirnay aanu ku caan-baxnay sifooyinka ay Somaliand leedahayna ka mid tahay nabadgelyadu,”ayuu yidhi Wasiir Ku Xigeeenku.

Md Cabdilaahi Cukuse waxa uu sheegay in digniinta ay dawlada Maraykanku soo saartay aanay Somaliand la qabin, waxaanu u soo jeediyay wadamada Maraykanka, Britain iyo beesha caalamkuba in ay u fiirsadaan wararka ay soo saaraan, isaga oo xusay in haddii ay dawladahaasi xog dheeraad ah ay hayaan Somaliland-na la wadaa gayso, waxaanu yidhi “Ra’yi baa iska jira dhadhanka uu leeyahay ay tahay in dib loogu fiirsado, kaasina waa ra’yiga ah nimankii Al-shabaab la odhan jiray way ka baxeen Soomaaliya, in ay ka baxaan waa guul. in aanay meel kale u bixin inay beesha caalamku ka wada shaqayso ayaa guul ah.