Booliska Oo Gabiley Ku Qabtay Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Somaliya

0
425

 

gabileHargeysa(Geeska)-Ciidamada ammaanka ee gobalka Gabiley ayaa shalay qabtay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Soomaaliya oo magaciisa la yidhaahdo Jaamac Axmed Maxamuud.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gabiley Saleebaan Ducaalle (Dhegacadde) , ayaa saxaafadda u sheegay in ninkani uu ka soo degay madaarka Berbera 22-kii bishii hore isla markaana uu wadanka si dhuumasho ah ku joogay illaa xiligaasi, balse ay shalay qabteen markii ay ka war heleen halka uu ku suganyahay.

Goleyaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Somaliland ayaa hore sharci uga soo saaray in xukun ciqaabeed adag lagu rido dadka u dhashay Somaliland ee xilal siyaasadeed ka qabta dawladda Soomaaliya ama ka horyimaada iraadada iyo rabitaanka qaranka Somaliland.