Khilaafka Ka Dhex Taagan Madaxweyne Siilaanyo Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Mar Labaad Banaanka U Soo Baxay, Sababtiisa Iyo Ergadii Laga Galay

0
496

 

Picture6Hargeysa(Geeska)-Khilaaf ka dhex taagan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa u muuqda inuu mar labaad banaanka u soo baxayo, ka dib markii uu muddo huursanaa.

Khilaafkaas oo ku salaysan dhinaca awoodda iyo talo wadaagga, ayaa laga war helay ka dib markii uu Madaxweyne xigeenku warbaahinta ugu yeedhay hoygiisa sii u mariyo farriin cadaynaysa khilaafka ka dhex oogan isaga iyo Madaxweynaha, laakiin xubno wasiiro ah oo ay ka mid ahaayeen wasiirada maaliyadda, warfaafinta, qorshaynta iyo xubno kale ayaa ku guntaday inay baajiyaan shirkaas jaraa’id ee uu Madaxweyne xigeenku qorsheeyay, waxaana dedaal badan ka dib la fasaxay saxaafadii hore loogu yeedhay.

Maxaa la isku qabtay?

Inakastoo aanu jirin war rasmi ahi, haddana ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in khilaafku muddo huursanaa, balse uu si lama filaan ah habeen hore u qarxay ka dib markii uu Madaxweyne-xigeenku saacadihii dambe ogaaday safarka Madaxweyne Siilaanyo shalay ugu baxay dalka Ingiriiska iyo weliba magacaabista iyo isku bedelka badhasaabada gobalada dalka. Warku wuxuu intaas ku daray in madaxweyne-xigeenku habeen hore cadho kaga soo baxay madaxtooyada, islamarkaana uu go’aan ku gaadhay inuu saxaafadda u soo bandhigo aragtidiisa hoggaaminta dalka iyo weliba tabashooyinka is biirsaday ee uu tirsanayo. Waxa kale oo iyana jirta aragti uu Madaxweyne Siilaanyo aaminsanyahay oo ah in dalku yeesho laba madaxweyne-xigeen oo kala ah madaxweyne-xigeenka 1aad iyo 2aad, taas oo uu damacsanaa inuu ku sheego khudbadii uu u jeediyay labada gole, balse laga reebay markii uu madaxweyne xigeenku si weyn uga gadooday. Laakiin madaxtooyada oo saxaafadda u soo dirtay khudbadii madaxweynaha oo Ingiriisi ah ayaa waxa ku cadayd qorshahaas uu Madaxweynuhu ku doonayo abuuritaanka laba madaxweyne xigeen, inkastoo ay madaxtoyadu markii dambe saxaafadda u dirtay khudbadaas Ingiriisida ah oo laga reebay qorshahan.

Muu sagootiyin

Inkastoo ay warar qaar sheegayeen in madaxweyne-xigeenku aanu maalmihii dambe cadho darteed u soo shaqo tagin xafiiskiisa madaxtooyada, haddana waxa xurgufta ka dhex taagan isaga iyo madaxweyne xigeenku sii caddaatay, ka dib markii Madaxweyne xigeen Saylici shalay laga waayay madaarka Hargeysa oo uu ka dhoofayey Madaxweynuhu. Sida caadada ah marka uu Madaxweynuhu dhoofayo, madaxweyne ku xigeenku wuxuu ku sii sagootiyaa madaarka, marka uu soo noqoyana wuu ka hortagaa. Laakiin madaxweyne xigeenka shalay laguma arag madaarka uu madaxweynuhu ka dhoofayay oo ay ku sugnaayeen inta badan ee masuuliyiinta xukuumaddu.

Waa Ayaan Darro

Iyadoo ay Somaliland marayso marxalad xaasaasi ah, marka loo eego xaaladaha taagan, ayay madaxdii ugu saraysay qaranka Somaliland noqdeen kuwo iyagu isku mashquulsan. Waxa ayaan darro ah in la arko Madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka oo mar walba ergadooda lagu jiro, taas oo haddii ay sii socoto waxyeelaynaysa qaranka Somaliland iyo hawlihii ay umaddu labadan masuul u dooratay.

Gunaanad:

Sida ay wararku xaqiijinayaan ma jirto wax daawo ah oo loo helay khilaafkan u dambeeyay ee labada masuul ka dhex oogmay, marka laga reebo in lagu guulaystay in la baajiyo shirka jaraa’id ee uu Saylici shalay damacsanaa inuu ku hadlo, waxase sida la sheegay loo balamay in hawsha khilaafkooda la gudo galo marka uu Madaxweyne Siilaanyo dalka ku soo noqdo. Waxase isweydiin leh cidda dhex galaysa mar haddii ay labadooduba yihiin masuuliyiinta qaranka ugu saraysa.