Md Cali Cabdi Faarax Oo Shacabka Somaliland Ku Bogaadiyey Malainta 18 May

1
815

caliHargeysa(Geeska)-Xildhibaan Cali Cabdi Faarax, oo ka mid ah mudanayaasha golaha Baarlamaanka ee dalka Djibouti, dhawr xil oo kala duwana ka soo qabtay golaha wasiirada ee Djibouti, ayaa shacabka Somaliland ku bogaadiyay sannad guurada 21aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.

Md. Cali Cabdi, oo habeen hore ka qayb galay munaasibad ay jaaliyadda Somaliland ee Djibouti ugu dabaal degayeen 18 May, ayaa wuxuu sheegay inay shacabka Somaliland dalkooda dhisteen iyagoo aan wax kaalmo ah ka helin beesha caalamka.“ Shacabka Somaliland meel walba oo ay joogaan gudo iyo dibadba, waanu u hambalyaynaynaa sanand guurada 21aad ee qarankooda, waanan u ducaynaaana oo waxaan   ugu ducaynaynaa in Alle hamigooda ugu hirgeliyo sida ugu dhaqsaha badan.” Ayuu yidhi Cali Cabdi Faarax, waxaanu intaas raaciyay “Waxa kale oo aanu ugu bogaadinaynaa iyadoo aanay cidna waxba u sheeganayn inay kartidooda iyo dal jacaylkooda ay ku dhisteen oo ah mid lagu faano oo dimuqraadiyadda iyo mamul wanaagaa ay sameeyeen.”

Comments are closed.