Maraykanka Oo Nin Ay Raadinayeen Ka Afduubtay Liibiya

0
554

Picture2Ciidamada Khaaska ah ee dalka Maraykanka ayaa hawlgal ay ka fuliyeen gudaha dalka Liibiya kusoo qabtay nin loo heysto inuu ka danbeeyey weerarkii Qunsuliyadii Maraykanka ku lahaan jiray Benghazi.

Ahmed Abu Khattallah ayey Maraykanka ku eedeeyeen inuu kamid ahaa hogaamiyayaashii ka danbeeyey weerarkii lala beegsaday Qunsuliyadii Maraykanka ku lahaa magaalada Benghazi bishii September sanadkii 2012.

Weerarkaasi ayuu ku dhintay Safiirkii Maraykanka u fadhiyey Liibiya Chris Stephens iyo sadex kale oo kamid ah illaaladiisa iyo shaqaalihii safaarada.

Ciidamada Maraykanka ayaa hawlgalka ka fuliyey duleedka magaalada Benghazi iyagoo si fudud gacanta ugu dhigay ninkaasi la baadi goobayey muddo ku dhaw 2 sano. Hawlgalkan ayaa la sheegay inaanay cidna wax ku noqon, isla markaana ay ciidamadaasi si nabad ah uga baxeen dalka Liibiya.

Ninkan ayaa lagu wadaa in maxkamad lagu soo taago dalka Maraykanka, iyadoo ay dhici karto in lagu xukumo dil.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in gacanta lagu soo dhigo ninkan isagoo sheegay in qofkii dil u geystay muwaadin Maraykan ah aanay dowlada Maraykanka ka hadhi doonin.

Weerarkii Qunsuliyadii Benghazi ayaa in muddo ah fadeexad ku ahaa xukuumada Barack Obama, iyadoo mucaaridka Maraykanka u adeegsan jireen weerarkaasi inuu qeyb ka yahay siyaasad xumada Madaxweyne Obama oo ay ku eedeeyeen inuu tilaabo ka qaadi waayey sugida amaanka Safaaradaha Maraykanka.