Maraykanka Oo Maxkamad Soo Taagay Wiil Ciraaqi Ah Oo Tusay Ciidan Uu Watay Aabihii Oo Sarkaal Ka Ahaa Milaterigii Saddaam Iyo Sababta Uu Abihii U Basaasay (1)

0
1217

Picture1Washington (Geeska)- Ma rumaysan kartaa in wiil yar oo 14 jir ahi uu ciidamada Maraykanka ku hagay halka uu ku dhuumanayey madaxweynihii la dilay ee dalka Ciraaq Saddaam Xuseen?!… Wiilkan yar oo magaciisa lagu soo gaabiyey Jaasim, Maraykankuna u bixiyeen Steve ayaa ciidamada Maraykanka ee joogay dalka Ciraaq waxa uu tusay meel ay ku dhuumanayeen aabihii oo sarkaal sare ka ahaa ciidamadii dalka Ciraaq, kana mid ahaa hoggaamiyeyaashii milateriga ee watay xoogaggii wax-iska-caabbinta kala hor yimi Maraykanka iyo 40 ka mid ah ciidamadii uu watay. Taas oo sababtay in isla goobtii Maraykanku ku soo qabtaan sarkaalkii wiilkan yar dhalay kuna dilaan dhammaan ciidankaas uu watay.

Wiilkan yar oo lagu tilmaamay in uu yahay basaaskii ugu da’da yaraa ee abid soo maray dunida ayaa ay dhowaan maxkamad ku taalla dalka Maraykanku ku xukuntay xabsi 28 sano ah, kadib markii ay ku heshay dembi ah in uu kufsaday gabadh Soddomaadkii cimrigeeda ku jirta. Wiilkan yari waxaa Maraykanka la keenay markii ay soo shaac baxday in uu basaas u ahaa ciidamada Maraykanka ee jooga Ciraaq, marar badanna ay kooxaha hubaysan ee dalka Ciraaq isku dayeen in ay dilaan, si ay uga aargoostaan.

Wakaaladda wararka PNA ee Kurdiyiinta oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay ayaa qisadan wiilkan sidan uga warrantay, “Jaasim oo ay Maraykanku ku naanaysaan Steve ayaa maalintii dhex meeraysan jiray shaaracyada magaalada Xasiiba, xilligaas oo ahaa sannadkii 2003da waxaa guud ahaanba dalka Ciraaq haystay ciidamada Maraykanka oo markaas uu qabsaday. (Xasiiba waxa ay ku taallaa woqooyiga galbeed ee magaalada Baqdaad meel u jirta 480km) wiilkan yar waxa ay saaxiib noqdeen mid ka mid ah ciidamadii Maraykanka ee ay maalin kasta is arkayeen. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu wiilkani askarigan ku yidhi, Waxa aan ku soo tusayaa halka ay joogaan raggii Muqaawamadu (Wax-iska-caabbintu)? Bilowgii askarigani waa uu rumaysan kari waayey wiilkan yari waxa uu leeyahay, muhiimad gaar ahna ma’ uu siinin. Laakiin Jaasim ayaa arrintii dhowr jeer oo dambe ku celceliyey, arrintaas oo askarigii dareen gaar ah ku dhalisay.

Askarigii Maraykanka ahaa waxa uu Jaasim geeyey saldhig ay deggenaayeen ciidamada Maraykanka si uu wiilkan iyo warkiisa ugala tashado saraakiisha ciidanka iyo saaxiibbadiisa kale. Jaasim markii la waraystay, waxa uu saraakiishii Maraykanka ahayd si fiican ugu sharraxay meelaha uu ku og yahay ciidamada Ciraaqiyiinta ah ee Maraykanka dagaalka kala soo horjeeda. Waxa kale oo uu Maraykanka u sheegay in aabihiina uu ka mid yahay ciidamadaas oo weliba uu gurigooda ku haysto hub.

Saraakiisha Maraykanku warka wiilkan yar waa ay rumaysan kari waayeen, mararka qaarkoodna waxa ay kaba shakiyeen in ay tahay khiyaamo wiilkan yar loo soo diray oo la doonayo in ciidamadooda dabin lagu geliyo, laakiin wiilkan yari waa uu ku adkaystay warkiisa, waxa aanu u caddeeyey in aabihii uu ka tirsanaan jiray saraakiishii milateriga ee dowladda Ciraaq. Ciidamadii Maraykanku iyaga oo warkaas ka duulaya ayaa iyaga oo si aad ah u hubaysan ay xoog ku galeen guriga wiilkan yar qoyskoodu deggenaa, waxa aanay ka soo heleen hubkii iyo saanaddii milateri ee uu wiilka yari sheegayey.  Jaasim aabihii waxa uu ka mid ahaa halyeeyadii reer Ciraaq ee dagaalka wax-iska-caabbinta ah ee kulul kala hortegey Maraykanka, waxaana saraakiishii Maraykanka u caddaatay in wiilkan yari run sheegayo. La soco…