Maraykanka Oo Ganaax Culus Ugu Hanjabay Yahoo Haddii Aanay Sirdoonka U Sheegin Xogta Dadka Isticmaala

0
706

Picture7

Washington (Geeska) Shirkadda Internet ka ee Yahoo ayaa khamiistii toddobaadkii hroe shaaca ka qaadday in xukuumdda Maraykanku ay ugu hanjabtay in si maalinle ah looga qaadi doono ganaax lacageed oo culus, maadaama oo ay diidday in ay sirdoonka Maraykanka u furto macluumaadka shakhsiga ah ee dadka isticmaala shabakadda Yahoo.com. Qareenka guud ee shirkadda Yahoo ayaa isaga oo arrintan ka hadlaya warbaahinta ku yidhi, “Xukuumadda Maraykanku waxa ay hanjabtay in ay shirkadda ku soo rogi doonto ganaax dhan 250 Kun oo doolar maalin kasta, haddii aanu diidno in aanu ogolaanno dalabkeedan”

Wakaaladda wararka ee Bloomberg oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay warkan ayaa sheegtay in shirkadda Yaaho ay ahayd shirkadda keliya ee diidday in ay aqbasho dalabka xukuumadda ee ahaa in ay siiso macluumaadka iyo xogta dadka macaamiisha u ahi isu marinayaan Yahoo.com.