Maraykanka Oo Dabciyay Mawqifka Hay’adaha Ka Hawlgala Dhulka Ay Al-Shabaab Ka Taliso

0
1860

 

obama

Dawladda Mareykanka ayaa dabcisay mowqifkeeda hey'adaha gargaarka ee ka hawlgala goobaha ay al-Shabaab ka taliso. Maamulka Obama ayaa muujiyay in hey'adaha samafalku ay cunto gaadhsiin karaan deegaanada al-Shabaab ka taliso, iyagoo aan ka cabsan in la maxkamadeeyo.

Al Shabab oo lagu eedeeyo in ay gacan saar la leedahay al-Qaacida, waxay ka talisaa gobollo badan oo ku yaal badhtamaha iyo koofurta Soomaaliya. Waxaa ka mid ah Bakool iyo Shabeellada Hoose, oo Qarammada Midoobay ay ku dhawaaqday in macluul ba'ani ay ka jirto. Mareykanku wuxuu ilaa iyo hadda ku weydiisanayay in la siiyo damaanad ah in gargaarka laga bixinayo dhulka Al Shabaab ka taliso aanay kooxdaasi ka faaideysan doonin. Laakiin taasi sidee ku suurta galeysaa.

Waxaa la sheegaa in Al-Shabaab ay hey'ad kasta oo ka shaqeyneysa degaanka ay iyadu maamusho looga baahan yahay in ay bixiso lacag is diiwaan gelin ah, ka dibna shaqaalaheeda canshuur laga qaado. Ma cadda in Mareykanku uu hadda taa aqbali doono.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabada ay Dowladda Mareykanku qaadday, waxay walaaca ka saaraysaa hey'adaha hadda ka hawlgala dhulka Al-Shabaab ka taliso. Waxaa kale oo laga yaabaa in ay qaar hor leh ku dhiirri geliso in ay tagaan dhulkaas oo ay dadka gargaaraan.

Tallaabadani waxaa kale oo ay kordhin doontaa cadaadiska Al-Shabaab ku saaran in ay oggolaadaan dhammaan hey'adaha gargaarka. Al-Shabaab iskuma fiicna hey'adaha qaar. Waxay mamnuucday qaar ka mid ah. Waxaa ka mid ah, Barnaamijka Cuntada Adduunka, WFP, oo ah hey'adda Qaramada Midoobay ee khibradda u leh in ay qeybiso raashin mucaawino ah oo ad u badan.

Khilaafka Al-Shabaab iyo WFP muddo dheer ayuu soo socday. Al-Shabaab waxay ku eedeysay hey'addan oo ka tirsan QM, in ay raashinka qeybiso marka dalagga beeruhu soo go'o. Taasi waxay waxyeeleysaa ayay yidhaahdeen beerealeyda iyo wax soo saarkaba. Al-Shabab waxay sheegtay, in ay isku dayday in ay WFP ku khasabto in ay raashinka ka iibsato suuqa Soomaaliya, laakiin taasi ay u suurta geli weyday.

Arrinta labaad waxay ahayd Mareykanka oo Al- Shabaab u arka urur argagixiso. Cid kasta oo Al-Shabaab lacag siisa ama la macaamisha waxaa lagu qabsan karaa falkaas ay ku kacday.

Hadda oo ay u muuqato in Mareykanku soo dabciyay mowqifkiisii, ma aha in dhammaan caqabadihii ay meesha ka baxeen. Su'aasha weyn ee hadhsani waxay tahay,  Al- Shabaab ma ku dayan doonaa Mareyknaka? Oo ma soo dhoweyn doonaan hey'adaha gargaarka kuwooda doonaya, awoodana in ay gaajada ka badbaadiyaan carruurta iyo hooyooyinka Soomaaliyeed.