Taliye Ciidanka Booliska Somaliland Oo Xaqiijiyay Hub Shalay Lagu Qabtay Lascanod, Kana Hadlay Ujeedada Uu U Tagay Magaaladaas

0
707

dube

Hargaysa(Geeska) Taliyaha ciidamda booliska ee Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad ayaa xalay gaadhay magaalo madaxda gobalka Sool ee Laasacaanood waxaanu taliyahu sheegay inuu magaaldaas u tagay kormeer iyo sidii loo ogaan lahaa xaqiiqda ka jirta gobalkaas. Sidoo kale waxa uu taliyuhu sheegay in baadhitaanada xoogan ee magaalada laasacaanood ka socdaa ay la xidhiidhaan dilal kii qorshaysaa ee magaalda lagula beegsan jiray masuuliyiinta dawalada.

 

Taliye Saqadhi oo uu Geeska Afrika xalay wax ka weydiiyay inuu ka waramao xaaladda guud ee magaalada Lascanod, ayaa yidhi, “Magaalda goor dhawayto ayaanu soo galanay, walina maanan dhex galin lakiin si fiican ayay u degantahay,”

Waxa aanu sidoo kale taliyaha sii waydiinay baadhitaanda magaalda ka socday labadii maalmood ee u danbeeyay halka ay salka ku hayaan, waxanu noogu jawaabay “Dabcan baadhitaanadan magaalada ka socdaa waxa ay la xidhiidhaan dilalkii qorshaysanaa ee magaalada ka dhacayay mudooyinkii u dabeeyay.” Isaga oo taliyahe Saqadhi ka hadlaya hub shalay lagu qabtay magaaladaas waxa uu yidhi “maanta hub la qatay wuu jiraa, waana arimaha aanu u nimid, laakiin magaaladu wali waa ay degantahay.”

Ugu dabayntii isaga oo ka hadlaya tagitaankiisa magaalda Laasacaanood waxa uu yidhi “Meeshii wax ka dhacaanaba waa waajib in la tago oo labaadho, xaqaaqiqadana la ogaado, waxaanan aniguna meesha u tagay kormeer iyo kolba wixii hawlo soo baxa”

Magaalada  Laasacaanood ayaa  labadii maalmood  ee u danbeeyay  maamulka gobalkaas iyo ciidamda boolisku ka  wadeen hawlgalo lagu sugayay amaanka isla markaana ay ku soo qabqabteen saddex qof oo lagu eedeyay toogashooyinka qorshaysan ee lala beegsado masuuliyiinta Somaliland, waxaanay hawlgaladani ku soo beegmayaan iyadoo dhawaan la bedelay madaxdii kala duwanayd ee gobalka Sool.