Ergadii Ka Hawlgashay Markabkii Red Sea Oo Ka Hadlay Sidii Loo Soo Daayay

0
719

 

Hargaysa(Geeska) Waxa shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalda Hargaysa salaadiintii iyo ganacsatadii ka hawl gashay markabkii shidaalka siday ee u rarnaa Somaliland kaas oo ay afduubeen kooxaha budhcad badeeda ah ee ka qawlaysta badaha ee ka soo jeeda Puntland.

Salaadiinta ganacsatada iyo maamulka shirkada uu u rarnaa markabkan shidaalka ee Red Sea waxa ay mahad naq balaadhan u soo jeediyeen dhamaan dhinacyadii ka hawlgalay soo daynta markabkaas, waxaanay talooyin ugu soo jeediyeen dawlada Somaliland iyo maamul gobaleedka Puntland  inay iska kaashadaan sidii loo samayn lahaa ciidamo  xoogan oo ka hortaga dhibaatooynika kooxaha budhcad badeeda ah, sidoo kale waxa ay sa’laadiintu u soo jeediyeen labada maamul in waxii khilaafyo ah in lagu xaliyo wada hadalo lagana dheeraado in la adeegsado rasaata.

Shirkan jar’aad waxa isgu yimid sulaadiintii iyo gancsatadii ka hal galay soo daynta markabkaas oo kala ahaa Suldaan .Maxamed Guuleed Mire, Suldaan Maxamed Maxamuud Xandule, Suldaan Aadan Faarax, Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Maxamuud Xasan Ibraahin, Jiif Caaqil. Cabdiwali Maxamuud Faarax, Sheekh  Xasan Cabdisalaan, Cabdiraxmaan Koosaar, Axmed Saciid Amare.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay shirkaas jaraa’id suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo ka war bixiyay sidii ay uga hawl galaan soo daynta markabkaas, waxaana hadaladiisa kamid ahaa  “Waxaan ahayn gudidii lo xilsaaray inay in ay ka hawlgalaan markabkaa la qafaashay  oo ka koobanayd 12 kala ah shan suldaan, lixgancsato iyo jiif caaqil, waxaanu tagnay magaalda Garoowe si fiicaan waxa noogu soo dhaweeyay xubno ka socday madaxtoyada oo warkayaga hayay, runtiina puntalan dadaal aan loo kala hadhin ayay ka gashay soo dayna markabkaa, hadaba aad ayaan ugu mahad naqaynaa guud ahaan reer puntland gaar ahaan madaxwayne faroole iyo cuqaashii nala hawlgashay”

waxaanu suldaanku Maxamuud Guuleed Mire uu u soo jeediyay talooyin dawlada Somaliland iyo maamulka puntland hadalddiisana waxa kamid ahaa “Waxaan soo jeedinanyaa in dawlada Somaliland iyo Puntland iyo labda shacaba ay waajib ku tahay in loo guntado sidii laysaga kaashan lahaa buldhcad badeeda loogana ilaashan lahaa marinkaa ay wax inoo soo maraan. Waxa kaloo aanu soo jeedinaynaa khilaafyada u dhaxeeya labada maaumul in lagu maareeyo nabad iyo xidhiidh iyo walaaltinimo oo laga dheeraado xabad iyo waxa dadka sii kala dheereeya”

 

waxa sidoo kale isaguna halkaas ka hadlay maamulka shirkada Red Sea Xasan Cabdi Salaan  oo mahadnaq balaadhan u soo jeediyay dhinacyadii ka hawl qaatay soo daynta markabkaa shidaalka ee urarnaa shirkadan uu maamulka ka yahay “Maanta shirkan jaraa’id ee aanu qabanay u jeeddiisu waxa weeyaan mahad celin, waxaana u mahad naqaynaa cuqaashii iyo dhamaanba dadwaynii nagala hawl galay marbkaa budhcad badeedu naga afduubatay mishii ina dhaaftay ee Julay 14 allena subxanahu watcaala uu dib nooga soo celiayay 27 Julay, ugu horaynti waxaan ku mahadainaynaa alle SWT, marlabaadka waxana u mahad naqaynaa madaxwaynaa Somaliland oo arintaa si wanaagsan oo masuuliyada uga hawlgalay iyo wasiirada arimaha gudaha iyo ganacsiga, waxaan u mahadnaqaynaa salaadiinta shantaa ee halkan fadhiya ee nala hawlgalay, culimada Somaliland, waxan mahad naq u soo jeedinaynaa madaxwaynaa puntland shacabkiisa, cuqaasha iyo ganacsatada guud ahaan” isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi maamuha shirkada Red Sea Xasan Cabdi Salaan “Talada suldaanadu ay soo jeediyaan waan la qabaa budhcad badeeduna waa cadaw dhaba oo majara habaabay, in loo duceeyo waan qabaa in wax loo sheegana waan qabaa, waxase muhiima in la helo xoogii lagaga hortagi lahaa intaanay noqon kuwo dadka siririya, xukumada Somaliland iyo maamulka puntlanad waxa aanu ka codsanaynaa in la sameeyo ciidamo awood leh oo lagaga hortago dhibaataas.”

maamulka shirkada Red Sea ayaa si cad u sheegay in aanay bixin wax madax furasho ah balse lagu soo daayay markabkaa shidaalka siday xeer dhaqameed iyo sida loogu gurmaday soo dayntiisa, waxa sidoo kale uu masuulkan sheegay inay markabkaas shixnadii uu siday ay dhantahay, marka laga reebo 100 foosto oo shidaala oo ay shubteen kooxaha budhcad badeeda ah ee markabka qafaashay.