Hargeysa: Dhalinyarada Saddex Degmo Oo Eedeeyay Maareeyaha Wakaalada Biyaha

1
685

Picture2Hargeysa (Geeska) – Dhalinyarada Degmooyinka Gacan-libaax, Maxamuud Haybe, Axmed Dhagax iyo 31-ka May, ayaa cabasho ka muujiyey talaabo ay sheegeen in Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa ku bedalayo qorshe la doonayay in biyo soo saarka laga sameeyay deegaanada Xubno-weyne iyo Jaleelo lagu gaadhsiiyo xaafadaha aan mudada dheer biyaha helin.

Dhalinyarada oo  shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Maareeyaha Wakaalada biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis, uu cunaqabateynayo degmooyinka caasimadda qaarkood isla-markaana biyihii loogu talo-galay in la gaadhsiiyo uu u sii balaadhinayo xaafadihii hore ee biyaha u heli jitay, waxayna sheegeen in Maareeyuhu uu warqad u qoray dawladda Imaaraadka Carabta oo ku deeqday dhaqaalaha lagu qodayo biyo soo saarka Xunbo Weyne iyo Jaleelo “Sidaynu la wada socono waxaa dawlada imaaraadku qoday laba iyo toban ceel oo ku yaala xumbo-weyne iyo jaleelo si magaalada qaybaha aan biyaha helin loogu waraabiyo, haddana waxa suuro gashay mashruuca qaybtiisii kale in isla dawlada imaaradku inagu caawiso kharashki beebabka lagu soo dhigi lahaa oo qorshahoodu ahaa in magaalada qaybaheeda bari iyo koonfur biyo galin loogu sameeyo iyadoo kayd biyood laga samaynayo bari iyo koonfurba taas oo magaaladu si siman biyo u heli lahayd. arintaasi waxay u cuntami wayday mareeyaha hadda xilka haya oo ku sifoobay eex, qaybyaalad iyo kala jeclaysi bulshada caasimada degta waxaanu isku deyay inuu carqalado u dhigo isagoo dawlada imaaradka warqad u qoray odhanaysa in lacagta lagu galinaayo biyaha wakaalada lagu soo wareejiyo taas oo u damacsanaa in siduu jecelyahay ka yeelo warqadaanisa waxay u cuntami wayday dawlada imaaradka oo heshiisku ahaa inay iyadu mashruuca maagalinteeda iyo fulinteedaba lahaato. Waxaa si fiican uga hawlgashay xukuumada Somaliland oo mar kale ku qancisay dawlada imaaraadka inay ka raali noqdaan warqadaas mareeyuhu soo qoray qorshahoodii horena ku socdaan”

Dhalinyarada oo uu u hadlay afhayeen halkaas qoraal dheer ka akhriyey Mr. Maxamed Khadar Daahir, ayaa sidoo kale sheegay “Laakiin muddo toddobaad laga joogo ayuu qoray warqad kale oo loo diray dawladda imaaraadka oo uu leeyahay qorshihii hore ee ahaa in kayd biyood laga sameeyo bariga iyo koonfurta magaalada in  laga noqdo oo biyaha xunboweyne lagu xidhi Geeddeeble taaso  oo caddaynaysa inaan mareeyuhu maareeye u wada ahayn magaalada oo dhan ee uu kaliya mareeye u yahay”

Dhalinyarada, ayaa sheegay in shir ay ka yeesheen arrintan ay ka soo saareen go’aamo u dhignaa sidan “Ka dib markii mudo ay wada tashi wadeen dhalinyarada xaafadaha, Axmed-dhagax, Maxamuud Haybe, 31-ka May iyo Gacan Libaax waxay dhalinta iyo aqoonyahanka degmooyinkaasi isla qaateen qodoban soo socda:

Ka dib markay xaqiisadeen deegaanadan aan biyaha helin aanay ka dhursugayeen in mudo ah mashaariic cusub oo biyo galineed maadaama Biyihi hore noqdeen kuwo kooto ugu xidhan xaafad gaar ah oo diiday in lala wadaago iyagoo garab ka helaaya maamulka biyaha

Samirkii biyo sugista ee labaatanka sano ku dhawaad bulshada Hargeysa ku nool inteeda badani ay sugaysay waxaa sidii caadada u ahayd dhexda u joogsaday maamulaha wakaalada Biyaha Hargeysa oo qorsheeyay in xaafadihii awalba cabaysay loogu balaadhiyo mashaariicdii loogu talagalay in Hargeysa intaan biyaha helin biyo lagu siiyo

Maamulkan Biyaha Hargeysa oo ah mid xaafadaysan, wuxuu hore ugu guul-daraystay inuu Hargeysa biyaha u qaybiyo taasi oo uu badalkeeda ka doorbiday  inuu xaafada uu ka soo jeedo u cunaqabateeyo Hargeysa inteeda kale

Guntii iyo gabagabdii waxaan soo jeedinaynaa

Mar haddii ay cadaatay masuulka hadda jooga wakaaladu in mar iyo lababa in ka badan uu ku kacay qorshayaal ay ku dheehantahay kala xigtaysi shacbiga caasimadda degan ee baahida weyn u qaba biyaha waxaanu cadaynaynaa inaanu matali karayn masuulna u wada noqonayn dhamaan bulshada caasimadda, kalsoonidiina aanu kala noqonay masuulkaas.

In Madaxweynaha Somaliland xilka ka xayuubiyo maareeyaha wakaalada Biyaha, maadaama uu caadaystay inuu si qaawan oo qabyaaladaysan uu maamulo mashaariicda biyaha.

Waxaanu aaminsanahay in magaalada Hargeysa biyaheeda loo cadaalad samayn karo sidaa darteed in xaafadaha Magaalada habeenba xaafada loo xidho biyaha haddii aanay qaybsamayn si habeenba xaafadi u cabto kuwa kalana kalkooda u sugaan

Siduu qorshuhu ahaa in wixii biyo galin cusuba laga fuudhyeelo Koonfurta iyo Bariga Magaalada Hargeysa, maadaama ay yihiin xaafadaha hada ka qatan biyaha Magaalada xukuumadana ka war hayso hagardaamooyinka mareeyahada xilka haya.

In la joojiyo Qorshayaasha uu doonayo maareeyuhu in biyaha xunbaweyne iyo Jaleelo lagu waraabiyo xaafadihii markii horeba cabi jirey arintaas oo aan waxba ka badalayn biyo la’aanta laga cabanaayo

In Hargeysa biyaheeda loo sameeyo gudi (board) maamula qaybinta biyaha oo madaxbanaan oo uu maareeyuhu ka hoos shaqeeyo

Codsigani wuxuu si gaar ah u khuseeyaa Madaxweynaha Somaliland waxaanu rejaynaynaa in si dhakhso ah jawaab dhab ah ay bulshada caasimaddu u helaan haddii kale hoos u dhac ku iman doono kalsoonida ay ku qabaan bulshadu xukuumada abuurina karto amaan daro ay sababtay cadaalad darada socotaa.

Waxaan u soo jeedinaynaa Bulshada ku nool degmooyinka kor ku xusan inay  si dhaw isha ku hayaan cunaqabataynta qorshaysan ee uu maareeyuhu u maleegayo”

 

Comments are closed.