Masar Waxa Ka Dhacay Iyo Casharka Ku Jira

1
1072

 

Rashid

Taas ayey  ku fadhidaa weedha Herododus ee ah  Masar waa deeqda webiga Niil. Waxaa kale oo Laagtan webiga la yidhaahdo A-niil Alazraq (ka timaadda Ethiopia) ay Masar keentaa dhoobo-madowda carro-sanka ah ee uu ka koobmo dhul-beereedka lagu nool yahay, taas oo ay ku fadhido ilbaxnimada Masar iyo dhismaha dawladnimadeedu ba. Taasi na waa murtida ay tusaalaynayso odhaahda kale ee uu Herodotus leeyahay: Masar waa dhul ay dadka Masaaridu ka kasbadeen oo uu siiyey webiga Niil. Fataha biyaha webiga ee sanadkii xilliga roobabka, Ethiopia ka yimaadda ayaa ah deeq Alle oo webigu keeno.   Dalalka kale ee webigu maro, mid walba ballaadhkiisa waa lagu nool yahay, Masar se waxay  ku  urursan tahay oo dadkeedu ku dhaqan yihiin, ilbaxnnimadeeda iyo taariikheedu na ku fadhidaa inta biyaha webigu gaadhaan. Haddii uu degaanka jaqoraafigu dhismaha bulsheed saamayn ku leeyahay, waxay ka muuqataa oo laga daalacan karaa xidhiidhka Masar la leedahay webiga Niil. Taas owgeed in kasta oo biyaha webiga, boqolkiiba labaatan keli ahi maraan Masar, inta kalena marto dalal  kale, hadda na magaca Niil Masar buu gaar ugu xidhiidhaa oo marka la soo qaado lagu xusuustaa; waayo marka aad maqasho Niil, Masar oo qudha ayaa kugu soo dhacaysa. Waxay arrintani saamayn weyn ku yeelatay bulshada halkaas ka abuurantay oo noqotay bulsho beeralay ah oo dhulka si aad ah ugu dheggan, iyo mushkilad taas la xidhiidha oo ah sidii biyaha loogu qaybin lahaa dhul beereedka kooban ee hareeraha webiga ku dhereran. Waxaa ka soo baxday baahida culus ee loo qabo awood  dhexe oo dawldeed oo masaladaas gacanta ku qabata. Marka laga soo bilaabo qarnigii 31aad ee dhalashadii Nebi Ciise ka hor, waxaa Masar ka jiray dawlad dhexe oo ay awooddu, si buuxda, ugu urursan tahay gacanta Keli-taliyaha(Fircoon) aan ereygiisa dhul la dhigin. Awoodda xooggan ee xukunka dhexe waxaa khasbay waa bulshada beeratada ah ee dad iyo xoolo ba, u baahan suldad adag oo u qaybisa  dhulka carro-sanka ee kooban iyo biyaha webiga maraya. Waxaa iyana meeshaas ka dhashay xadaarad maaddi iyo ruuxi ah oo  ku dhereran webiga jiinkiisa inta uu fatahiisu gaadho. Raadadka ama hadhaaga xadaaradani waxa ay ku tusayaan heerka awoodda xukunka la wareegay kartidii muruq iyo maskaxeed ee dadka, taas oo dhistay haramyada, macbadyada iyo timthaallada la yaabka badan ee adduunka maanta, meel walba looga soo daawashada tago. Dhammi astaamaha xadaaradaasi waxay ku dhereran yihiin hareeraha webiga. Ku darso saamaynta uu webiga Niil ku lahaa ganacsiga iyo isu-socodka dadka masar gudaheeda iyo Masar iyo debeddeeda, taasoo uu weligii ba ahaa gaadiid iyo is-gaadhsiin ba. Ilaa maantadan oo uu horumarka aadamigu samaawaadka koonka u gudbay oo teknolojiyada casrigu dadyowga adduunka isu soo dhawaysay, Masar waa deeqda webiga Niil; la’aantiina habeen lagu ma noolaan karo. Sideeda ayey hadal-haynta webiga Niil ugu badan tahay odhaahaha soo-jireenka ah ee aad had iyo jeer ka maqli karto dadka caadiga ah ee Masaarida. Ummu Maxamed waxay aragtay kuwo naga mid ahaa oo ka dib markii ay tacliintoodii  dhammaysteen, safar dalkoodii u xidh-xidhay. Waxay tidhi: ‘miyaad tegeysaan’? ‘ haa’ bay yidhaadeen ‘ ee nabad-gelyo’. Waxay tidhi: ‘biyaha webiga Niil qof cabbay, had ay gaadhaba wuu soo noqon’. Waa fikradaha shacbiga ah ee dadka caadiga ahi yidhaahdaan.  

 

Masar iyo Masaaridana

Masar muddo qarniyo ah ayaa daraasooyin dhinacyo badan leh lagu sameenayey. Ka sokow culamada Masaarida, waxaa cilmi-baadhis badan ku sameeyey kuwo reer galbeed ah. Daraasooyikaas waxa ka mid ah kuwo ku saabsan shakhsiyadda masaarida.  Ereybixinta shakhasiyaddu, asalkeedii hore, waxay ka soo  jeeddaa cilmiga seykolojiga oo waxay tilmaamaysaa astaamaha nafsiga ah ee ay keli qofeed leedayahay.

5Halkaas ayaa cilmiga bulsheedkuna(sociology) ka soo qaatay ereybixintaas oo uu ku dabbaqay sifaalayaalka nafsiga ah ee guud ahaan, dadka isku bulshada  ah ka muuqada ee noqon kara tilmaamo guud oo dadkaas ka dhexeeya. Isla markii, waa kuwa noqon kara astaamo dhaqameed laga daalacdo fal-dhaqanka dadkaas. Guud  ahaan, waxaynu odhan karnaa waa  Sifaalayaasha uu ka samaysmo namad ama namuunad iyo sansaan dhaqameed bulsheed iyo seykolojiyadeed oo ummad lagu tilmaasan karo. Tusaale ahaan waa innaga oo bulshada reer-guuraaga soomaaliyeed ku tilmaanna in yahiin dad magaca qabiiladooda si weyn ugu qiirooda oo nafta u hura; waana dad ay tolliimada qabiil wax walba kala weyn tahay.  Waa dad neceb in cidi awood iyo suldad ku muuqunayso oo had jeer doona in ay sida ay jecel yihiin yeelaan, taasoo ah in qofku, haddii uu doono,  wadarta tolkii u hoggaansamo aanuse jeclayn in uu qofna ba madaxa hoos ugu rogo. Masaarida Waxaa la yidhi oo muddo laba qarni iyo dheeraad ah lagu celcelinayey, waa dad aad u sabir badan oo dhibaato kasta u adkaysta; waa dad mashaakilka ka hor yimaadda qadder Alle ku dhaafa oo  iska suga in ay si uun isaga xallismaan; waxaa carrabkooda ku badan odhaahaha: “inshaa Alla” iyo “maa caleesh”. Waxaa kale oo la yidhi waa dad dawladda iyo awood sare oo dhan u khuduuca oo qof waliba ciddii uu madax sare u arko is-hoos-dhiga, sidaas owgeed masrigu waa qof xukunka jira u hoggaansan oo ay adag tahay sida uu uga horyimaaddaa.

La Socco

Comments are closed.