Koonfurta Suudaan Oo Qarka U Saaran Inay Dagaalo Sokeeye Sahaydaan

45
621

juba_View_EDTh-620x330Juba(Geeska/W.Wararka)-500 oo ruux ayaa ku geeriyooday rabshadaha Koonfurta Suudaan ka socda tan iyo Axadii toddobaadkan, waxaanay intooda badani yihiin askar ka tirsan ciidamada dalkaas.

Wasiirka warfaafinta Koonfurta Suudaan ayaa wakaaladda wararka ee AP shalay u sheegay in sidoo kale la dhaawacay dad gaadhaya 700 oo ruux, waxaanu sheegay in dadka badankooda lagu laayay dhulka kaymaha ah.

Nin khabiir ah ayaa qaybta dunida la hadasha ee BBC u sheegay inay Koonfurta Suudaan u muuqato inay cagaha la galayso dagaalo sokeeye.  Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale  sheegtay inay ka walwalsan tahay xaaladda Koonfurta Suudaan, waxaana xarunta Qaramada Midoobay isku xareeyay dad gaadhaya labaatan kun oo ruux.

Dagaaladan ayaa yimid ka dib markii uu Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir uu sheegay inuu fashiliyay isku day afgembi oo ay sameeyeen saraakiil milatari oo uu sheegay inay taageersanyihin madaxweyne-xigeenkii hore oo uu bishii Jully xilka ka qaaday. Laakiin madaxweyne kuxigeenkii hore ee Koonfurta Suudaan ayaa beeniyay inuu qeyb ka ahaa afgembi ay dowladda sheegtay inay fashilisay. Riek Machar ayaa sheegay in dowladda madaxweyne Salva Kiir ay doonayso inay qalalaasaha socda u adeegsato inay meesha ka saarto dadka ka soo horjeeda.

Rasaas iyo dagaal ayaa xeryaha ciidamada qaarkood ka dhacaysay xalay iyo habeen hore, waxaanay mucaaradku sheegayaan inay gacanta ku hayaan maamulka xeryahaas qaarkood.

Si kastaba ha ahaate dawladda Koonfurta Suudaan oo ah dalka dunida ugu da’yar ayaa halis ugu jira dagaalo sokeeye oo curyaamiya.

 

Comments are closed.