Maqaalkii Wakiilka UK Ee Qaramadda Midoobay Ma Hurruuf Diblomaasiyadeedbaa?

0
811

Naasir Aadan Maxamed (Nawaa)

Wakiilka dalka UK u fadhiya Qaramadda Midoobay Mark Lyall-Grant ayaa maqaal dheer oo uu ka qoray booqashadii ay isaga iyo wakiiladda kale ee dawladaha xubnaha ka ah Golaha Amnaanku ay ku tageen magaaladda Muqdisho maalintii khamiistii ee taariikhdu ahayd 14/8/2014, ayaa qormadiisaas oo uu ku faanayey inuu shaqsiyan ka danbeeyey booqashadaasi ku faah-faahiyey danaha ay ka leeyihiin Somalia, kaas oo maqaalkiisa ku xussay in raysal-wasaaraha Britain David Cameron uu Somalia u qabtay laba shir oo caalami ah si uu ugu helo taageero dhaqaale oo ka caawiya inay ka soo kabato burburkii ay gaadhsiiyeen dagaaladii mudada dheer ka socday iyo inay sharaf u tahay inuu Muqdisho kula kulmo Madaxwayne Xasan Sheekh iyo xukuumadiisa.

Safiirku waxa kale oo uu maqaalkiisan oo ku qornaa af-Ingiriisi oo cidii u baahani ay ka heli karto website-yada wargeys-yada Haatuf iyo The Somaliland eewww.haatuf.net iyo www.somalilandtimes.net ayaa waxa uu ku muujiyey in dawladiisa Britain ay hogaaminayso dedaalka ay beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay ugu wada jiraan nabad iyo dimuqraadiyad ka is-laaxda Somalia iyo waliba in dalkiisu sii wadi doono kaalinta hormoodka ah ee uu kaga jiro wax ka qabashada dhibaatooyinka Somalia ka jira.

Ambassador Mark Lyall-Grant waxa uu ku doodayaa in uu saacadihii uu Xamar joogay ku ogaaday waxyaabo markii hore ka daah-soonaa iyo dhibaatooyinka horyaala xukuumadda federaalka ah baaxada iyo culayska ay leeyihiin..

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab hilfaha loo qaaday balse aan wali laga wada takhalusin iyo in xildhibaanadii, ururadii bulshadda iyo haweenkii uu la kulmay ay u muujiyeen dareenkooda ku aaddan amaanka sida uu wakhtigan xaadirka ah yahay iyo yididiilada ay ka qabaan in deganaansho iyo xasilooni intaa ka badan mustaqbalka la gaadho.

Wuxuu xussay in uu la dhacsan yahay wada-shaqaynta Xasan Sheekh iyo raysal-wasaarihiisa iyo in wali ay jiraan arrimo u baahan in la qabyo tiro intaan la gaadhin 2016-ka sida distoorka iyo sida uu noqonayo xidhiidhka u dhaxayn doona dawladda dhexe ee Muqdisho iyo dawlad-goboleedyada federaalka hoos-yimaada.

Mr Mark Lyall-Grant maqaalkiisa dheer marna kuma soo hadal-qaadin Somaliland. Xataa marka uu ka hadlayey arrimaha nabadaynta, dimuqraadiyada la higsanayo iyo la dagaalanka argagixisada, waxa uu tilmaamay oo kaliya doorka ay arrimahaas ka ciyaareen ciidamadda AMISOM iyo kuwa dawladda Xasan Sheekh, ururadda AU-da iyo UN-ku iyo kaalmada Britain iyo beesha caalamku ay ka gaystaan.

Lama odhankaro waxa uu ka hadlayey Somalia iyo Muqdisho oo Somaliland way ka baxsanayd mawduucii uu wax ka qoray ama isaga iyo dawladiisu waxa ay tixgalinayeen rabitaanka iyo go’aanka shacbiga Somaliland ee gooni isu-taaga iyo madaxbanaanida dalkooda.

Mana aha AmbassadorMark Lyall-Grant nin aqoon la’aani ka haysato Afrika iyo mandaqadan uu booqashadda ku marayeyba ee waa diblomaasi ruug cadaa ah oo si qoto-dheer ula socda xaqaa’iqa iyo mushkiladaha ka taagan dhulka Soomaalida.

Mana dhici karto inuu ilawsanaa in marka laga hadlayo nabada iyo arrimaha Soomaalida ay Somaliland tahay meesha kaliya ee dadka ku nooli ku guulaysteen inay gayigooda nabad ku soo dabaalaan, taas oo muddan in Soomaalida kale kaga daydaan.

Inkastoo dimuqraadiyadii lagu yiqiinay Somaliland ay nitaaqday tan iyo intii uu Axmed Siilaanyo xukunka dalka qabtay, haddana lama dafiri-karo waxyaabihii hore ee uga qabsoomay sida doorashooyinkii iyo nidaamka xisbiyadda badan (Multi-party system) iyo hay’adihii (institutions) siyaasadeed iyo farsamo ee dimuqraadiyada u adeegayey kuwaas oo ay ka mid yihiin ururadda iyo axsaabta siyaasada, komishanka doorashooyinka qaranka iwm.

Mr Lyall-Grant maaha ninkii taas garan la’aa balse wuxuu u muuqdaa in sababta uu Somaliland maqaalkiisan meelyarna ugaga xussi waayey ay ahayd ula-kas diblomaasiyadeed oo ay isaga iyo xukuumadiisu fariin ugu dirayeen madaxwayne Siilaanyo, fariintaas oo nuxurka ay xambaarsanayd noqonkarto in dawladda Britain ay xukuumadda Somaliland wax ka tirsanayso ama aanay ka raali ahayn.

Waxa kale oo layaab leh in safiirku aannu xataa soo hadal-qaadin wada-hadaladii Somaliland iyo Somalia ee ay xukuumadiisu dededaalka diblomaasiyadeed ee badan u gashay sidii ay u qabsoomi lahaayeen.

Run ahaantii waxa jirta in xidhiidhka Somaliland iyo UK uu baryahanba soo xumaanayey taas oo loo nisbaynayo maamulka Siilaanyo oo ka dhaga adaygay talooyin iyo codsiyo ay Ingiriisku u soo jeediyeen oo ay ka mid ahaayeen inuu joojiyo xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha iyo xoriyatul-qawlka isla markaana carqalada ku ah guud ahaan geedi-socodkii dimuqraadiyada Somaliland.

Waxa kale oo jira dhaliilo khuseeya qaabka ay u shaqeeyaan ama u hawl-galaan hay’adaha Somaliland u qaabilsan amniga, oo ay Ingiriiska iyo xulufada ay mandaqadan ku leeyihiin u arkeen  in maamulka Siilaanyo ka cago-jiidayo inuu oofiyo balan-qaadyo uu u qaaday inuu wax ka qaban-doono gal-daloolooyinka jira ee arrintaasi ka soo baxay. haddaba diblomaasiga reer Britain u fadhiya Qaramadda Midoobay ee dawladihii waawaynaa ee xubnaha ka ahaa Golaha Amaanka ku qanciyey inay wada yimaadaan Muqdisho oo aynu ognahay xaaladaha ka jira, macquul-maaha inuu iska indho-tirayey in Somaliland tahay xaqiiqo jirta’e laakiinse waxa muuqata in uu il-diiday maamulka Siilaanyo ee ay tolo iyo waano-ba kala quusteen inuu isa-saxo.

Inkastoo maamulka Siilaanyo istaahilo hurruufka diblomaasiyadeed ee Mr Lyall-Grant u muujiyey, waxase aan meesha qaban in kol hadii uu Hargeysa soo gaadhi waayey inaanu shacbiga reer Somaliland kala masuugin xussida waxyaabihii ay iskood u qabsadeen halka uu amaanta iyo bogaadinta kala daalay meesha la yidhaahdo Muqdisho ee aan iyaduna waxba qabsani karayn beesha caalamkuna waxba u qabankarayn ee ay mar walba ku fashilanto.