Dagaallada Wax-iska-caabbinta Falastiin iyo Yuhuuudda.. Q:9
Aakhirkiina heshiis ay soo fududaysay Masar ayaa ku dhammaaday xal ah in Israa’iil ay askarigaas Falastiiniyiintu ka qabatay ay ku beddelato 1200 oo maxaabiista ay Falastiiniyiinta ka hayaan ah. Marka ay sidaas tahay in hal askari Israa’iil laga qabtaa waa farxadda ugu weyn ee kooxaha wax iska caabbinta waana rajo ay mar kasta fishaan dadka rayidka ah ee reer Falastiin oo ka rajo qaba in askariga Yuhuudiga ah ee Falastiiniyiintu qabsadaan uu sabab u noqdo soo deynta maxaabiista Israa’iil ka hayso. Mar kale ayaa ay farxaddaasi u soo noqotay Falastiiniyiinta dagaalkan u dambeeyey ee Qaza, inta ay qirteenna waxa ay hadda gacanta ku hayaan hal askari oo Yuhuudi ah, in kasta oo ay Israa’iil qabto in ay tiradu intaas ka badan karto, oo ay askar kale la’ dahay geeri iyo nolol labadaba.
6. Khasaare nafeed:
Hore ayaa aynu u soo xusnay in aan la is barbar dhigi karin khasaaraha nafeed ee labada dhinac, iyo haddana in khasaaraha nafeed ee Yuhuudda soo gaadhaan xanuun gaar ah ku leeyahay shacabka iyo xukuumadda Yuhuudda sababaha aynu kor ku soo xusnay awgeed, haddana dagaalkani waxa uu ka mid noqday kuwa ugu xanuunka badan ee ay tan iyo sannadkii 2006dii Israa’iil la gashay kooxaha wax-iska-caabbinta ee guud ahaan Carabta oo dhan. Waayo waxa uu noqday dagaalkii ay askartii ugu badnay Israa’iil ku weyday. Illaa hadda inta ay Israa’iil qirsan tahay waxaa dagaalkan kaga dhintay 68 ruux oo 65 ka mid ahi ay yihiin askartii sida gaarka ah u tababarnayd ee isku deyeysay in ay gudaha u gasho Marinka Qaza, in kasta oo ay kooxaha wax-iska-caabbintu tirada illaa 90-meeye gaadhsiinayaan.
7. Dhaawaca Miisaaniyadda Qaranka:
Khasaaraha soo gaadhaya Falastiiniyiintu waxa uu ku kooban yahay dadka rayidka ah, waayo nidaamka maamul ee ka jira qaza waa nidaam dowlad u-eke ah oo aan lahayn miisaaniyad leh ilo dakhli oo rasmiya, meelaha ugu badan ee dakhligu ka soo xeroodaana ay tahay caawimo ay kooxaha wax-iska-caabbintu ka helaan ururro iyo dowlado qarsoodi ah, taas oo lagaba yaabo in ay xilliyadan dagaalku socdo sii kordhiyaan kharashkaas ay siinayeen kooxaha Falastiiniyiinta. Israa’iil qudheedu caawimo fiican ayaa ay ka heshaa Maraykanka, oo isba xilliga dagaalka kordhiya caawimadaas, laakiin haddana waa arrin adag in caawimo dal kale ka imanaysa lagu maamulo qaran, haddii ay dhacdo in Israa’iil ay noqoto dal aan is bixin karayn dakhli ahaanna waxa ay hoos u ridaysaa sumcadda dowladnimo iyo sheegashada ay dunida ugu muujiso in ay tahay qaran iskii u taagan oo awood dhaqaale iyo milateri leh.
Khubarada xog-ogaalka u ah miisaaniyadda Israa’iil waxa ay saadaalinayaan in dagaalkan hadda ee Qaza uu gaadhsiin doono Balaayiin doolar oo khasaare ah, dhaawac weyna u geysan doono koritaanka dhaqaale ee Israa’iil isla markaana xukuumadda u xambaarin doono culays lacageed oo aanay u taag haynin. Durbadiiba Israa’iil waxa ay lacag ku filan u weyday horumarinta iyo dayactirka gantaalaheeda difaaca cirka ee ‘Koofiyadda birta ah’ waxa aanay ku qasbanaatay in ay Maraykanka ka codsato caawimo toos ah oo dhan 225 Milyan oo doolar, taas oo uu Maraykanku ka aqbalay.
Markii uu dagaalkani socday saddex toddobaad oo keliya ayaa uu bangiga dhexe ee Israa’iil ku qasbanaaday in uu faa’idada uu bixiyo oo hore u ahayd boqolkiiba 0.75 hoos ugu dhigo boqolkiiba 0.5, sababo uu ku sheegay khasaaraha ka dhashay dagaalka Qaza awgood, taas oo weliba la aaminsan yahay in ay tahay qiyaas qaldan, oo uu bangigu kaga been sheegayo khasaaraha runta ah ee soo gaadhay, si aanay hoos ugu dhicin kalsoonida maalgashi ee Israa’iil. Cawfar Shaliix oo xubin ka ah guddida dhaqaalaha ee baarlamanka Israa’iil ayaa markii uu dagaalku 3 toddobaad socday sheegay in khasaaraha Israa’iil gaadhay uu gaadhayo 2.9 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah. Wargeyska caanka ah ee Yidicoot Axranoot ee ka soo baxa Israa’iil ayaa isna khasaaraha illaa hadda ku qiyaasay in uu miisaaniyadda qaranka hoos u dhigayo qiyaas ah 1.2 boqolkiib, taas oo la dareemi karo culayska ay keenayso, gaar ahaan marka laga jaro filashadii korodhka dhaqaalaha ee Israa’iil dagaalka ka hor qabtay oo ahayd boqolkiiba 2.9 keliya.
Maxay Yuhuuddu u aanaynaysaa jabka ka soo gaadhay Qaza?
Waxaa hubaal ah in dagaalka Qaza 2014 uu Israa’iil gaadhsiiyey khasaare aad u ballaadhan oo leh noocyada kala duwan ee aynu soo xusnay, kaas oo aan ka qarsoonayn indhaha dunida oo dhan, warbaahinta kala duwanina si weyn uga faallootay. Laakiin waxaa iska caadiya in dal kastaa uu intii karaankiisa ah isku dayo in uu qarsado khasaaraha ka soo gaadha dagaalka uu cadowgiisa la galo, marka uu dagaalkaasi yahay mid uu isagu daan-daansigiisa lahaana waa ay ka sii xag jirtaa oo si aanu cadowga iyo cidda loollanku ka dhexeeyaa ugu farxin waxa uu ku dadaalaa in uu hoos u dhigo khasaarihiisa iyo guul-darrooyinka uu la kulmo. La soco…