Chief Caaqil Ku Soo Biiray Cuqaasha Gobolka Togdheer Oo Burco Lagu Caleemosaaray

0
801

Picture2Burco(Geeska)-Chief Caaqil ku soo biiray cuqaasha gobolka Togdheer ayaa maanta lagu caleemo-saaray Hoteelka Cigaal ee Magaalada Burco. Xaflad balaadhan oo loo sameeyay caleemo-saarka Chief Caaqil Faarax Cabdilaahi Muuse oo ay doorteen beesha Reer Xuseen ee Habar-yoonis ayaa waxa ka soo qaybgalay ,Cuqaal ,Salaadiin ,Aqoonyahano ,Qurba-joog ,Maamulka gobolka Togdheer iyo Marti sharaf kale.

Chief Caaqil Axmed Maxamed Daahir oo ah Cheifka guud ee beelaha Habar-yoonis oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi.

 “ Marka hore aad iyo aad  ayaa usoo dhawaynayaa caleemo-saarka Chief caaqil Faarax Cabdilaahi Muuse oo ah shakhsi xilkan gudan kara isla markaana ,ka soo jeeda Qoys mudo dheer xilkan soo hayay oo gobolka taariikh ku leh ,waxaanan kula talinayaa Beesha Chief caaqilka dooratay sidaa fiican ee aad u doorateen Faarax Cabdilaahi Muuse ,waxa laydiinka baahanyahay in aad kula shaqaysaan isla markaana xoolaysaan ,si uu hawshiisa u guto “ Sidaasi ayuu Axmed Kayse yidhi.

Caaqil Baashe Cabdilaahi Ibraahim oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi.

 “Marka hore anigoo ku faraxsan caleemosaarka Chief Caaqilka ,waxaan ku leeyahay Faaraxow Dul ugow ,hadaanad dul yeelan waxba Hogaamin Karimaysid waa nala Dhirbaaxaa, waana nala Budeeyaa, waa nala Caayaa,markaa waxa loo baahanyahay in aad waxaas oo dhan u dulqaadato ,waayo xilka ayaa arimahan iska leh ,ilaahayna waxaan kaaga baryayaa in uu xilka kuu fududeeyo “

Geesta kale Chief Caaqil Faarax Cabdilaahi Muuse oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si weyn usoo dhaweeyay cidkastoo caleemosaarkiisa ka qaybgashay ,waxaanu yidhi “Marka hore Ilahay ayaa Mahad leh ,mar Labaadna waxaan u Mahad naqayaa dadka ka soo shaqeeyey xafladan laygu doortay iyo kuwa ka soo qaybgalayba .

 Mida kale waxa jirta dhibaato ka Jirta Baliga Diiriye Guleed  ee waqooyiga Burco ,Waxaan ku canaanayaa dhibaatada halkaasi ka jirta cuqaasha oo sidii loo baahnaa aan arintaasi uga hawlgalin, markaa waxaan leeyahay Sidii loo soo Af-Jari lahaa xiisadaasi ,dhakhso ha looga hawl galo” Sidaasi ayuu  Chief Caaqil Faarax Cabdilaahi Muuse hadalkiisa kaga baxay.

Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ,Maayirka Burco Maxamed Yuusuf Muraad ,Cuqaal ,Salaadiin iyo Marti sharaf kale kuwaasi oo dhamaantood soo dhaweeyay caleemo-saarka Chief Caaqil Faarax Cabdilaahi Muuse ,waxaaney usoo jeediyeen in uu noqdo qof isku xidha bulshadda gobolka oo nabada ka shaqeeya.