Manchester City Oo U Awood Sheegatay Middlesbrough Una Gudubtay Semi-Finalka FA Cupka

0
1246

Kooxda Manchester City ayaa si fudud uga adkaatay kooxda Middlesbrough kulan ka tirsanaa koobka FA Cupka, waxaanay kooxda uu hogaamiyo macalin Guardiola ay kusoo dubatay 2-0. Man City ayaana noqotay kooxdii ugu horeysay ee wareegan u soo baxdaySemi-Finalka   FA Cupka xili ciyaareedkan. Manchester City ayaa dardar ku bilaabatay kadib markii ay daqiiqadii 2-aad heleen goolka hogaanka oo uu u  saxeexay xidigooda Silva, waxaana lagu kala nastay 1-0 ay kooxda City hogaanka ku hayso. Markii laysku soo noqday ayaa markale Sergio Aguero uu hogaanka u dheereeyay Manchester City daqiiqadii 66-aad kadib markii uu si fudud u dhameystiray kubad uu dhinaca kasoo baasay da’yarka Leroy Sane. Ugu dambayntiina natiijada ciyaarta waxey kusoo dhamaatay 2-0, ay guushu ku raacday kooxda Man City, waxeyna noqotay kooxdii ugu horeysay ee xili ciyaareedkan gaadha Semi Finalka tartanka FA Cup, waxaa la sugi doonaa Sadexda kooxood ee kale ee wareegaan kula midoobi doona.