Hargeysa (Geeska)- Filimada cabsida iyo argagaxa ah (Khaakh) qaarkood waxa aad ku arkaysaa iyada toonta lagu sheegayo in ay jebiso lagaga adkaado dad-qalka. Laakiin cilmibaadhis dhowaan la sameeyey ayaa iyadu sheegaysa in Toontu ay cadow ku tahay cudurro badan oo dunida maanta ku faafsan, waxa aana ka mid ah, hargabka, Kansarka noocyadiisa, cudurrada wadnaha ku dhaca, iyo dhiigkarka.
Toonta oo ka mid ah khudradaha cuntada lagu darsado ee laga isticmaalo dhammaan dunida, iyada oo laga raacayo dhadhanka ay cuntada ku kordhiso awgeed, ayaa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in la cuno iyaga oo sheegaya in ay jidhka ka caawiso ka takhalusidda xumadda, iyo cudurrada ay ka mid yihiin shubanka daran, dhaxanta iyo hargabka, qaniinyada cayayaanka, iyo cudurrada fangaska ka dhasha.
Sidoo kale waxa ay khubaradu sheegeen in tootu ay la dagaallanto calaamadaha lafo-burburka, cudurka macaanka iyo bararka qanjidhka xiniinyaha. Waxaa intaasba dheer in toontu ay xoojiso hab-dhiska difaaca ee jidhka kana saarto sunta jidhka ee ka dhalata cuntooyinka.