Kaalin Intee Le’eg Ayaa Uu Facebook Ku Lahaa Guusha Lama Filaanka Ahayd Ee Trump Ka Gaadhay Doorashadii Madaxweynaha Maraykanka

0
603

1Washington (Geeska)- Mar keliya ayaa taageerada loo hayey murashax Donald Trump ay cirka isku shareertay bishii Sabtembar ee sannadkan kadib markii barkulanka-bulsho ee Facebook lagu faafiyey maqaal hal milyan oo jeer la sii baahiyey (Share) oo sheegaya in wadaadka ugu sarreeya mad-habta Kaatoligga Pope Francis uu taageeray murashaxnimada Donald Trump. Sidoo kale taageerada murashaxii la tartamayey Trump oo ahayd Hilary Clinton ayaa mar keliya dhulka gashay kadib markii maalmo yar doorashada horteed uu soo baxay maqaal lagu daabacay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo si aad u xad dhaaf ah loogu sii faafiyey barkulanka bulsho ee Facebook, maqaalkaas oo sheegaya in basaas ka tirsanaa wakaaladda FBI ee Maraykanka oo lagu tuhunsanaa in uu isagu faafiyey sirtii la xidhiidhay E-mail ka gaarka ah ee Hillary, isaga oo mayd ah laga dhex helay gurigiisa, badhis kadibna waxaa la sheegay in ninkan la dilay, kadibna loo ekeysiiyey nin isagu is dilay, ayaa lagu yidhi warbixintan. Arrintaas oo abuurtay shaki iyo dareen la xidhiidha in cidda dishay si uun ugu xidhnayd Hilary Clinton maadaama oo uu iyada khatar ku ahaa.

Dhibaatadu waxa ay ka taagan tahay in wararkaas aynu soo sheegnay oo saamayn ku yeeshay cidda ay dadku u codaynayeen Hilary Clinton iyo Donald Trump, ay ahaayeen warar gebi ahaanba been abuur ah. Waayo wadaadka Kaatoliga Pop Francis marnaba ma uu sheegin in uu taageero siinayo mid gaar ah oo ka mid ah murashaxiinta, sidoo kale maqaalka la sheegay in lagu daabacay wargeyska The Guardian ayaa isna ahaa mid aan haba yaraato ee jirin oo laga been abuuray wargeyska, laakiin Facebook dartii waxaa akhriyey dad lagu qiyaasay Malaayiin ruux.

Labadaa maqaal ee been abuurka ah,oo lagu daray kumanaan kale oo iyaguna been ahaa oo lagu faafiyey barkulannada-bulsho ee Internet ka, uguna badan yahay Facebook ayaa loo tirinayaa in ay saamayn aad u ballaadhan ku yeesheen cod bixinta Maraykanka oo mar keliya si lama filaan ah kugu badatay dhinaca madaxweynaha la doortay ee Donald Trump.

In kasta oo aasaasaha Facebook oo isla markaana ah agaasimaha fulinta Mark Zuckerberg uu aaminsan yahay in aanay suurtogal ahayn in wararka been abuurka ah ee lagu faafiyey Facebook ay saamayn ku yeesheen natiijada doorashada Maraykanka, macno darrana ku tilmaamay wararkaas, isaga oo leh, “Waa fikir iska waalli ah” Haddana dad badan ayaa warka saamayntani macquul la noqday, waxa aana ka mid ah qoraaga Saynab Tawfiiq oo maqaal ay ku baahisay barta Internet ka ee wargeyska New York Times ku sheegay in Sheekada uu Zuckerberg ku dheggen yahay ee ah in aanay shirkaddiisu wax raad ah ku yeelan go’aan qaadashada dadku ay tahay, dhaawac kale oo uu u geystay dimuqraadiyadda Maraykanka iyo dunidaba, sidoo kalana burinayo cilmibaadhisaha Facebook qudhiisu arrintan ku sameeyey.

Sannadkii 2010kii, markii la isu diyaarinayey doorashadii dhexe ee Maraykanka ayaa cilmibaadhayaal la shaqeeya Facebook ay 61 Milyan oo qof oo ka mid ah dadka Marraykanka ee adeegsada Facebook, waxa u qaybiyeen laba kooxood oo qayb ka mid ah ay sanduuqa farriimaha (Inbox) ee Facebook ugu direen farriin kooban oo ah, “Orod oo soo codee!’ halka kooxda labaadna ay qof kasta u direen sawir ah saaxiibbadii oo dhan oo lagu hoos qoray, ‘Waa ay codeeyeen’ natiijada soo baxdayna waxaay noqotay in farriinta dambe ay sababtay in boqollaal kun oo dad ahi codaynta tagaan si ay ugu daydaan saaxiibbadoodaas la sheegay in ay codeeyeen.

Tijaabo kale oo iyadana sannadkii 2012 ka ay cilmibaadhayaal Facebook ka tirsani ku sameeyeen dadka isticmaala bar-kulanka bulsho waxa ay ku ogaadeen in qoraallada lagu faafiyo Facebook ay saamayn ku leeyihiin dadka ku xidhan, daraasado dambe oo muddo dheer siyaabo kala duwan loo samaynayey ayaa qudhooduna arrintan ka marag kacay.

“Qoraallada lagu faafiyo Facebook oo ah oo ah il xogta aad looga qaato, in Zuckerberg uu ku andacoodo in aanay raadayn lahayn go’aan qaadashada dadku, waa sheegasho caqli xumo ah” ayaa ay tidhi qoraagan oo bare-sare ka ah jaamacadda North Carolina School ee cilmiga saxaafadda.

Washington (Geeska)- Mar keliya ayaa taageerada loo hayey murashax Donald Trump ay cirka isku shareertay bishii Sabtembar ee sannadkan kadib markii barkulanka-bulsho ee Facebook lagu faafiyey maqaal hal milyan oo jeer la sii baahiyey (Share) oo sheegaya in wadaadka ugu sarreeya mad-habta Kaatoligga Pope Francis uu taageeray murashaxnimada Donald Trump. Sidoo kale taageerada murashaxii la tartamayey Trump oo ahayd Hilary Clinton ayaa mar keliya dhulka gashay kadib markii maalmo yar doorashada horteed uu soo baxay maqaal lagu daabacay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo si aad u xad dhaaf ah loogu sii faafiyey barkulanka bulsho ee Facebook, maqaalkaas oo sheegaya in basaas ka tirsanaa wakaaladda FBI ee Maraykanka oo lagu tuhunsanaa in uu isagu faafiyey sirtii la xidhiidhay E-mail ka gaarka ah ee Hillary, isaga oo mayd ah laga dhex helay gurigiisa, badhis kadibna waxaa la sheegay in ninkan la dilay, kadibna loo ekeysiiyey nin isagu is dilay, ayaa lagu yidhi warbixintan. Arrintaas oo abuurtay shaki iyo dareen la xidhiidha in cidda dishay si uun ugu xidhnayd Hilary Clinton maadaama oo uu iyada khatar ku ahaa.