Imtaxaankii Shahaadiga Oo Maanta Loo Fadhiisan Doono Iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Oo Ka Hadlay

0
713

Hargeysa (Geeska)-Imtaxaankii Shahaadiga ahaa Dugsiga afaraad ee sare iyo Dugsiga siddeed ee dhexe ayaa si rasmiya maanta loogu fadhiisan doona guud ahaan dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokor Maxamed iyo Guddoomiyaha Dugsiyad Barriga Gobolka Maroodijeex Xuseen Cabdi Cawil (Food-cadde), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn  Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokor Maxamed oo ka hadlaya Imtaxaanka maanta loo fadhisanaayo wuxuu yidhi “Ber (maanta), Imtaxaankii Shahaadiga ahaa ee fasalada afaraad iyo siddeedad ayaa u fadhiisanaya, waxaana u fadhiisanaya arday aad iyo aad u badan, nasiib wanaag Imtaxaankana wuxuu Imtaxanaadii ka horeeyey kaga duwan yahay arimo badan, maxaa yeelay hadda waxaa la keenay qalab aanay suurtagal ahayn inay Ardaydu isku daydo inay musuqdo Imtaxaanka ama Mobil isticmaasho ama isku daydo inay qish sameeyso, qalabkan ayaana si toos ah loogala soconayaa Ardayda, iyo dhaqa-dhaqagada,sidoo kale waxaa iyana ilaalinta Imtaxaanka qayb ka ah Ardaydii Shaqo Qaran, taas oo aan Madaxweynaha iyo Agaasimaha Shaqo Qaran uga mahadnaqayo, waxaan se Ardayda kula dardaarmaya, oo aan leeyahay kalsooni muujiya, oo kalsooni imtaxaanka ku gala, oo ka taxadira wax kasta oo keeni kara in Imtaxaankiina la kansalo, nidaamkii hore ee Imtaxaanka loo yeedhin jirayna wax baa laga bedelay, oo hadda kadib waxaa la eegi doona tirada Ardayda ugu sareeysa Dugsiyada, tusaale ahaan Ardayda Dugsiga ka keentay darajada A-da, taasina waa dhiirigelin”.

Mar uu ka hadlaayey heerka Waxbarasho ee dalka ayaa yidhi “Guud ahaan Wasaaradda Waxbarashadu waxay u taagan nahay horumarinta Waxbarashada dalka, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi, waxaan uga mahadanqayaa dhiiranaanta uu ku dhiiraday in Ardayda buugagtooda ay wax ku baranayaan loo daabaco, walibana uu isagu gacantiisa ku siiyo, insha allaah Sannad walbana waa loo dabici doonaa, tayada Waxbarasho ee dalkana waxaanu rabnaa in aanu sare u soo qaadno, oo aanu walibana gaadhsiino halka ugu sareeysa, Dugsi hoose ilaa heer Jamaacadeed,waxaan se guud ahaan Waalidiinta Somaliland ee ubadkoodu waxbarashada ku jiraan ku dhiirigalinayaa inay ubadkooda waxbarashadooda si joogto ah ula socdaan”.

Guddoomiyaha Dugsiyad Barriga Gobolka Maroodijeex Xuseen Cabdi Cawil (Food-cadde), oo isna ka hadlaya Imtaxaanka iyo tayada Waxbarasho ee dalka ayaa yidhi “Imtaxaanku waa tijaabo, lagu kala saaro Ardaydii dadaashay iyo Ardayda aan dadaalin, sidaas oo ay tahay Ardayda kastaaba insha allaah wuxuu shaqeeysto ayuu heli doonaa,waxaana Wasaaradda Waxbarashada iyo Xukuumadaba uga mahadnaqayaa qaabka loo ilaalinayo imtaxanka iyo qalabka casriga ah ee lagula soconayo, Gobolka Maroodijeexna, waa Gobolka ugu balaadhan uguna Dugsiyada iyo Ardayda badan, markaas guud ahaan Ardayda Somaliland ee Imtaxaanka u fadhisanaya, natiijo wanaagsan baan u rajaynayaa”.

Guddoomiyaha Dugsiyad Barriga Gobolka Maroodijeex mar uu ka hadlaayey Waxbarashada ayaa yidhi “Waxaynu ka war qabnaa in markii dalka dib loogu soo laabtay heerka ay Waxbarashada dalku marayso, wakhtigaas Ardaydu daasado ayey ku fadhiisan jirtay, maanta heer wanaagsan baynu maraynaa, ee halkaas ayeynu insha allaah ka sii wadi doona horumarka iyo dadaalka”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here