Majalad Maraykan Ah Ayaa Ku Taliyey In Ka Hortagga Karoona-Fayras Loo Raaco Taladii Nebi Muxamed (SCW)

0
835

Nadaafadda, Karantiinka caafimaad iyo in guryaha lagu negaado ayaa ah saddexda tiir ee illaa hadda hadduunka oo dhami ku celcelinayo in lagu waajaho xanuunka ‘Covid-19’. Maladda NEWSWEEK ee ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa ka warrantay in saddexdan talo ee hadda laga hadlayaa ay yihiin tallaabooyin uu 14 Qarni ka hor ku baaqay nebi Muxamed (SCW) in la raaco xilligan oo kale.

Maqaal cinwaankiisu yahay, “Awoodda Salaaddu kelideed ma joojin kartaa cudurka Covid-19? – Xitaa Rasuulkii Muxammed aragti taas ka duwan ayaa uu arrintaas ka qabay” ayey majaladda Newsweek kaga warrantay arrintan. Waxa ay ina fahamsiinaysaa in xaaladdan ka hortaggeedu aanu u baahnayn aanay cibaado iyo duco keliya balse ay muhiim tahay in la qaado tallaabooyin ficil ah oo xaaladda lagaga hortegayo, maadaama oo uu Nebi Muxammed oo cibaadada iyo iimaanka ruuxiga ah dhismihiisa u taagnaaba uu sheegay in tallaabooyin la qaado xilligan oo kale ay muhiim yihiin.

“Waxa ugu muhiimsani waa in Nebi Muxammed (SCW) uu ogaa sida ay tahay in la isugu dheellitiro diinta iyo sababaha. Toddobaadadii hore waxaa jiray dadka qaar soo jeedinayey in cibaadadu ay tahay sida ugu fiican ee lagaga nabadgeli karo Fayraska Karoona. Taas oo xitaa laga sarraysiiyey raacista mabaadii’da aasaasiga ah iyo in lagu dhaqmo nidaamka ah kala fogaanshiyaha bulshada iyo karantiinka caafimaadka” ayaa uu maqaalku yidhi, isaga oo la hadlaya dadka Maraykan ee raacay aragtida ah in dhinaca diinta oo keliya loo jeesto si looga nabadgalo xanuunka, iyo baaqii madaxweyne Trump ee ahaa in dadku maalin axad ah cibaado isugu soo wada baxaan si ay uga ducaystaan xanuunka.

Majaladdu waxa ay marag u soo qaadatay talooyinkii uu Nebi Muxamed (SCW) ku taliyey in lagu waajaho cudurrada, iyada oo xustay xadiiskii uu ku dardaarmay haddii cudur uu deegaan ka dillaaco in aan la gelin, cidda gudaha ku jirtaana aanay ka bixin. Arrintaas oo uu ku mesaalay waxa hadda adduunyadu u bixisay ‘Karantiinka caafimaad’ oo ah in aan dalka la gelin, isla markaana aan laga bixin. Waxa kale oo ay majaladdu soo qaaday xadiiskii uu Rasuulku (SCW) ku yidhi, “Haddii aad deegaan ku maqashaan daacuun, ha gelin, haddii deegaan aad joogtaan uu ka dillaacana ha ka bixina idinka oo ka baxsanaya”

Majaladdu waa ay sii wadday casharrada caafimaad ee muhiimka ah ee uu nebi Muxamed (SCW) 14 qarni ka hor bixiyey, maantana ay dalalka adduunku diin kasta oo ay haystaan ku celcelinayaan. Waxa aanay maqaalkan ku xustay tilmaamaha iyo farriimaha uu Nebigu ku dhiirrigeliyey nadaafadda, si looga hortago faafitaanka xanuunka. Sida laga warqabo hay’adda caafimaadka adduunka iyo hay’adaha caafimaadka ee dawladaha adduunku waxa ay soo saareen amarro ah in la ilaaliyo nadaafadda, kuwaas oo ay ugu horreyso in gacmaha la dhaqo si looga takhaluso haddii Fayrasku uu soo gaadho gacmaha. Waxa ay ku dardaarantay in guryaha lagu negaado, waxa aanay magaalooyinka iyo dalalka qaarkood bilaabeen in aanay isu gudbin, hawshaas oo dhammaanteed ku sal leh la dagaallanka fayraska Karoona.

Maqaalku waxa uu tusaale u soo qaatay hadalkii uu Nebi Muxammed (SCW) ku sheegay in nadaafaddu ay qayb ka tahay iimaanka laga rabo qofka muuminka ah. Isaga oo soo jeediyey marka qofku uu soo tooso in uu gacmihiisa dhaqo, iyo in markasta oo cunto la cunayo gacmaha la maydho iyada oo uu sheegay in barakada cuntadu ay ku jirto in la faraxasho cuntada ka hor iyo kaddib.

Maqaalku waxa uu baraarujinayaa muhiimadda ay leedahay in xilliyada xanuunnada qofku isaga oo ruuxdiisa diiniga ah adkaynaya cibaadada iyo ducadana raacaya, haddana ay qasab tahay in uu dhowro tilmaamaha muhiimka u ah ka hortagga iyo iska ilaalinta xanuunka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here