Mahaatiir Maxamed dib u habaynta, casriyeynta iyo xoojinta nidaamka waxbarasho ee dalkiisa ayaa la aaminsan yahay in ay sabab u ahayd geeddigii horumarka dhinaca warshadaha ee uu dalkaasu gaadhay sagaashamaadkii.
Waxa uu xawaare aad xawligiisu u sarreeyo ku dhaqaajiyey isbeddelka dhinaca horumarka warshadaha ah isaga oo kaashanaya cududda muwaadiniinta uu tobankii sano ee ka horreeyey kobcinayey xirfaddooda iyo cilmibaadhisaha ka soo baxayey xarumaha aqoonta. Malaysiya waxa ay mar keliya indhaha dunida soo jiidatay markii la arkay awoodda tartanka warshadaha ee ay leedahay oo calaamaddeeda ugu weyni ay ahayd in hal mar uu ay dalka ka tisqaadeen 15 kun oo mashaariic waxsoosaar warshadeed ah. Waxaana sida daadka ugu soo jabay maalgashatada shisheeyaha ah ee adduunka.
Muddo 22 sano ah Mahaatiir Maxamed waxa uu awooday in uu dalkiisa kaalin muuqata kaga daro dalalka soo koraya, kaddib markii kaydka maaliyadeed ee naqadka ah oo hortii 3 Milyan ahaa uu gaadhay 98 Bilyan, cududda dhoofkuna ay gaadhay 2 boqol oo bilyan oo doolar sannadkii. Waxsoosaarka warshadaha iyo adeegyada ee dalkuna ay boqolkiiba 90 ka noqdeen waxsoosaarka gudaha ee GDP loo yaqaanno.
Si aynu isu raacinno geeddiga siyaasadeed ee Mahaatiir Maxamed aynu soo horumarinno halka uu xilkiisu ku dambeeyey ee, sannadkii 2003 dii bishiisii tobnaad ayaa uu ku dhawaaqay in uu iskii xilka uga degeyo, isla markaana siyaasadda ka nasanayo. Isaga oo markaas 76 sano jir ahaa. “Waxaa muhiim ah in jiil cusubi uu la wareego sidii ay Malaysiya ugu hoggaamin lahaayeen aragti cusub” ayaa ka mid ahaa hadalladii uu ka sheegay sababta is casilaaddiisa.
Si kastaba ha ahaato ee 15 sano kaddib ayaa uu Mahaatiir Maxamed dib ugu soo noqday siyaasaddii. Sannadkii 2018 kii ayaa uu dhisay isbahaysi mucaaradka dalka oo dhan uu ku ururiyey oo ka qaybgalay doorashada, waxa aanu ku guulaystay doorashadii Baarlamaanka. Isbahaysigan oo uu Mahaatiir hoggaaminayey waxa uu helay 112 kursi oo ka mid ah 222 kursi ee baarlamaanka. Sida uu dastuurka dalku dhigayana xisbiga aqlabiyadda hela ayuun baa uu raysalwasaaruhu ka soo baxayaa. Mahaatiir Maxamed oo 22 sano Malaysiya hoggaaminayey waxa uu mar kale noqday raysalwasaaraha dalka. Dhinacyo badan ayaa arrintan naqdiyey, kuwaas oo ay ka mid yihiin falanqeeyeyaasha reer galbeedka oo u arkayey in da’da sagaashan dhaaftay laba sano ee uu jiraa aanay ka dhigayn hoggaamiyihii kartida badan iyo aragtida furan lahaa ee 2003 ka hor dalka ka talinayey.
Kuwo kalana waxa ay ku naqdiyeen in uu noqday keli taliye aan doonayn in uu kursiga ka tago. Laakiin Mahaatiir waxa uu beeniyey labadaas aragtiyood, iyo aragti kasta oo dhaliilaysay ku soo noqoshadiisa xukunka. Waxa uu u marag furay dad badan oo aaminsanaa in dib u soo noqoshadiisu ay tahay go’aan sax ah oo uu ku saxayo waxyaabo badan oo 15 kii sano ee u dambeeyey ka qaldamay hoggaanka dalka iyo nidaamka dawladnimo ee uu ku socday.
Musuqmaasuq illaa kursiga raysalwasaaraha ee ugu sarreeya hadheeyey, siyaasaddii dalka oo ku qasantay danaha shakhsiga ah ee hoggaamiyaha, diblumaasiyaddii dibadda iyo danihii raysalwasaaraha iyo qoyskiisa oo isku milmay iyo geeddi-socodkii horumarka dalka oo gaabis galay ayaa ka mid ah waa ugu fudud ee aynu ka sheegi karno habowga ku yimi jidkii horumar ee Malaysiya u uu dejiyey Mahaatiir Maxamed.