Dawlada Sweden Oo Joojisay Laba Mashruuc Oo Ay Ka Wadday Somaliland Iyo Soomaaliya

0
659

Sweden (Geeska) – Hay’adda Dalka Sweden u qaabilsan Mucaawimooyinka dibedda ayaa joojisay laba Mashruuc oo ay ka wadday dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Mashaariicdan oo ahaa kuwa waaweyn ayaa waxa fulin jiray Qurbe-joogta iyo Hay’adahooda iyagoo ka qayb-qaadanaya dib u dhiska dalalkooda.

Mashaariic oo wax badan ka tarayey horumarinta Arrimaha Bulshada ayaa waxa maalgelinaysay Dawladda Sweden illaa sannadkii 2015-kii.

Labadan Mashruuc ee istaagay oo ahaa kuwo si gaar ah loogu maalgelinayey Soomaalida ayaa lagu kala Magacaabi jiray ‘Somali Diaspora Programme iyo Somali Business Programme’.

Hay’adda Forum Syd oo Sweden u qaabilsan Mucaawimooyinka Dibedda isla-markaana Maamulaysay Mashaariicda la joojiyey ayaa waxay Xafiiska ugu weyn ku lahayd Magaalada Hargeysa, waxaana jiray Xafiisyo hoos yimaadda ka Hargeysa oo ka furnaa Magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe.

“Labada Mashruuc ee istaagay waxay kala yihiin ‘Somali Diaspora Programme iyo Somali Business Programme’. Somali Business Programme wuxuu ahaa Mashruuc loogu talo-galay ama ujeeddadiisu ahayd sidii Qurbe-joogta joogta Sweden ay uga qayb-qaadan lahaayeen Horumarinta dalka, Mashruucaasi wuxuu ahaa mid loogu talo-galay in Qurbe-joogto ay Ganacsiyo yaryar (Sameeyaan) si ay Shaqo-abuur ugu sameeyaan Dhallinyarada iyo haweenka, qaybaha lagu Maalgelinayey waxa ka mid ahaa Kalluumaysiga, Beeraha, Xoolaha, Isgaadhsiinta iyo Laydhka, markaa markii la joojiyey waxay noqonaysaa inay istaagaan waxaas oo dhami.” Ayuu yidhi, Cali Xasan oo ka mid ah Aqoonyahanka la shaqeeya Hay’adaha, wax badana kala socday Mashaariicda la joojiyey.

Cali waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyey Mashruuca Somali Diaspora Programme oo ah ka labaad ee la joojiyey, waxaanu yidhi  “Mashruuca kale ee isaguna istaagay ayaa wuxuu ahaa mid ay ka wada shaqaynayeen Hay’adaha Sweden jooga iyo Hay’adaha Waddanka gudihiisii jooga, waxaanu ku saabsanaa Xuquuqda aadamaha, ilaalinta deegaanka, Dimuqraadiyadda, Dawlad-wanaagga, Barnaamijkaasina wuu istaagay, inkasta oo qayb ka mid ah Mashruucu uu sii socon doono, haddana waalla yareeyay, maaddaama oo Kharashkii uu yaraaday waxay noqonaysaa inay yaraadaan Hay’adihii ka shaqaynayey laftoodu.”

Cali Xasan oo Dalka Sweden ugu warramay ‘Somali Tv Sweden’ ayaa sharraxay sababta loo joojiyey Mashaariicdan “Sababta Mashruucan loo joojiyey ayaa waxay Hay’aduhu sheegeen inaan la gaadhin Natiijadii laga doonayey ama heerkii laga doonayey Mashaariicda, waxa kale oo ay Dawladda Sweden sheegtay in Maamulka iyo socdaalka ay ku baxday Lacag badan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay kulamo la yeelanayaan Dawladda Sweden iyo Hay’adda u qaabilsan Mucaawimooyinka Dibedda, si ay ugu sheegaan in weli loo baahan yahay Mashaariicdaasi oo baahidoodii taagan tahay.