Buugga ‘Mahaatiir Muxamed.. Shabeelka Aasiyaanka ah, wiil fallaago ah illaa halyeey Islaami ah’ oo uu qoray Caadil Al-Jawjari waxa uu tilmaamayaa in guusha ugu weyn ee tijaabada u sameeyey Mahaatiir Maxamed ku jirtaa ay tahay halganka uu u galay horumarinta Sayniska iyo Teknoolajiyada. Isaga oo dhinaca kalana dalkiisa ku dhisay qiyam Islaami ah iyo xadaarad aanu dhaqangelinteeda ka dhigan xayeysiis siyaasadeed oo uu meel kasta ka sheego, balse si nidaamsan hoos ugu dhammaystiray.
Shaqooyinkii uu soo qabtay
Mahaatiir Muxammed markii uu sannadkii 1953 dii dhammaystay jaamacadda, waxa uu ka mid noqday shaqaalaha dawladda dalkiisa ka talinaysay oo ahayd maamulkii uu dhisay gumaystaha Ingiriiska oo markaas weli joogay Malaysiya. Afar sano kaddib markii dalka Malaysiya uu gobannimada qaatay sannadkii 1957 kii, ayaanu furtay rugtii caafimaad ee aynu ka soo warannay in ay isaga u gaar ahayd.
Mar kale ayaa uu shaqada dawladda kun oqday sannadkii 1968 kii, waxa aana madax looga dhigay golaha tacliinta sare ee Malaysiya, iyada afar sano kaddibna sannadkii 1972 kii lagu daray guddida latalinta tacliinta sare ee Malaysiya. Mahaatiir Maxamed weli waxa uu ku sii dhexjiray arrimaha waxbarashada oo uu sannadkii 1974 kii noqday guddoomiyaha jaamacadda qaranka, laakiin xilkan jaamacaddu waxa uu soo afjaray boggii ka shaqaynta arrimaha rayidka, gaar ahaan waxbarashada. Geeddigii xilalka ee ku dhammaaday raysalwasaarenimada ayaana u bilowday sannadkii 1975 kii kaddib markii loo magacaabay wasiirka tacliinta, oo dabcan xil siyaasadeed ahaa.
Marka aynu soo koobno geeddiga dheer ee Mahaatiir Maxamed uu ku yimi xilka raysalwasaraha, waxa aynu xusaynaa in bishii Sabtembar 1978 kii uu raysalwasaarihii xilligaas ee Malaysiya Xuseen Cawn ayaa Mahaatiir Maxamed u magacaabay raysalwasaare ku xigeen. Kaddibna waxa uu u magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha.
Raysalwasaare Xuseen Bin Dato Cawn oo dhashay sannadkii 1922 kii, waxa uu ahaa raysalwasaarihii saddexaad ee Malaysiya oo xilka hayey intii u dhexeysay 1976 kii illaa 1981 kii, isaga oo isla waqtigaas ahaa xildhibaan Baarlamaan maadaama oo aanu sharciga dalkiisu labadaas xil u diidayn.
Raysalwasaare Xuseen Cawn oo dalka Malaysiya looga yaqaanno aabihii midnimada Malaysiya waxa uu xilka iska casilay sannadkii 1981 kii sababo caafimaad awgood. Xilkaas bannaanaaday oo uu sifo dastuuri ah ugu wareegay raysalwasare ku xigeenkiisii Mahaatiir Maxamed 16 kii bishii Luulyo 1981 kii.
Siyaasadda
Mahaatiir Maxamed waxa uu siayasadda ka soo galay kadinka xisbiga siyaasiga ah ee ‘Ururka waddaniga ah ee midowga [Dadka] Malayga, kaas oo magaciiisa loo soo gaabiy UMNO. Waxa aanu ilayska xiddiggiisu aad u soo ifay markii loo doortay xubin ka tirsan baarlamaanka federaalka ee dalka sannadkii 1964 kii.
Mahaatiir Maxamed waxa uu badweyn muran ah dhexgalay sannadkii 1970 kii, kaddib markii uu ku dhiirraday arrin ay adagtahay in shakhsi siyaasi ahi ku dhaco, dad badanina u arkayeen in uu ku kacay tallaabo si fool xun u dishay masiirkiisii siyaasiga ahaa.
Waxa uu soo saaray buug muran iyo cadho ka dhex dhaliyey dadka uu isir ahaan ka soo jeedo ama ku abti tirsado ee Malayga oo ahaa kuwa aasaaska u ahaa cod kasta oo siyaasiga ah oo uu doonayo. Buuggan oo lagu magacaabo ‘The Malay dilemma’ waxa uu si badheedhe aan siyaasiga looga baran ah, aadna u kakan u weeraray shacabkiisa Malayga, waxa aanu ugu baaqay in ay in ay ka shaqeeyaan sidii ay dib u habayn isugu samayn lahaayeen, isla markaana qayb uga noqon lahaayeen dhalinta kacaan warshadeed oo dalka ka tisqaadda.
Malaysiya oo waqtigan dadkeeda lagu qiyaaso 32.7 milyan oo qof, boqolkiiba 69 lixdan ka mid ah ayaa ah dadka Malayga oo qaybo kala duwan leh. Boqolkiiba 23 waa dad asalkoodu shine yahay, laakiin Malaysiyaan noqday, boqolkiiba 7-da soo hadhayna waa dad Hindida Malaysiya. Sidaas awgeed diinta ugu badan ee dalku waa Islaamka oo ay dadku boqolkiiba 61.3 yihiin, Buudhiisamka, ayaa boqolkiiba 19.8 ah, Hinduuska waa 6.3. Kiristaanku waa boqolkiiba 9.2 inta soo hadhayna waa diimo yaryar, cawaam iyo dad aan sheegin diinta ay aaminsan yihiin. La soco…