Muxumed Soofe Kaneec (1947-2010)

0
328

Muxumed Soofe Kaneec, waxa uu Hargeysa ku dhashay sannadkii 1947, waxa uu waxbarashadiisii hoose ku soo qaatay magaalada Burco, sannadihii 1961-1964. Wax-barashadiisii dhexena waxa uu ku qaatay dalka kiiniya magaalo madaxdiisa Neyroobi, sannadihii 1968-1974. Muxumed wuxuu holiyey, wax-barashana ka bilaabey dugsigii lagu baran jirey muusiga “Muqdisho Musical Institute”; sannadihii 1973-1974.

Muxumed Soofe wixii wakhtigaa ka danbeeyay wuxuu u beydhay ciidannimo. Wuxuuna takhasus kala duwan ka soo qaatay qeybaha ciidanka; waliba ciidanka (commands section-soldier). Muxumed Soofe Kaneec, intii uu ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed, waxa uu ahaa askari dhiiran, wuxuuna dhawr jeer oo isku xigta helay xidigo iyo dalacaado isku xiga. Wuxuuna aakhirkii noqdey sarkaal ka tirsan Ciidanka Kamaandowsta. Wuxuu ka soo shaqeeyay, deegaanno badan. Haddii aan mid iyo laba ka taabto, deegaannadaa waxaa ka mid ah: Goraya-cawl, Jedi iyo Lughaya.

Muxumed Soofe wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ka gadooddey dulmigii iyo dhibkii lagu hayay shacabka Waqooyi-galbeed, haddase loo yaqaan Soomaaliland. Mujaahid Kaneec wuxuu bud-dhig u ahaa dugsigii tababbarka ee Baabuli. waxa uu ahaa mashiin halbowle ah oo jabhaddii naftood-hurayaasha ahayd ee SNM wakhti adag kala soo dabbaashay. Wuxuu macallin u ahaa naftood-hurayaal badan oo maanta soomaliland laga qaddariyo.

Muhaajid Muxumed Soofe wuxuu ahaa ma-naste aan daalin oo rafaadkii uu soo mareyna aanu riiq ku yeelan. Wuxuu markiiba dhexda u xidhay isuna xil qaamay soomalilandta yabyabka ah inuu dib-u-dhiskeeda qeyb laxaad leh ka qaato. Wuxuuna ahaa asaasayaashii Ciidanka Bileyska Somaliland, isagoo ka soo noqday Hoggaanka Wacyigelinta; xilkaana hayay muddo ku siman labo iyo toban sano.

Waxaynu soo barannay, qeyb taariikh nololeedkiisa ka midana aynu xusney, Mujaahid Muxumed Soofe Cilmi Kaneec. Bal aynu baranno Muxumed Soofe Kaneec hor leh oo dhanka suugaanta iyo masrixiyadda hodon ku ahaa.

Abwaan Muxumed Soofe Kaneec wuxuu bahda fanka ku soo biirey lixdameeyadii, wuxuuna caan ku ahaa dhanka masrixiyadda ama jilaaga iyo hal-abuurka heesaha. Muxumed Kaneec wuxuu jilaa ka soo noqdey riwaayado badan oo doora. Waxa ka mid ahaa: 1) Laandaaq, 2) Catoolyo, 3) Gobonnimo, 4) Dab Jaceyl Kari Waa, 5) Waarso, 6) Wadhaf iyo Shimbiro, 7) Dhedo Roob Noqon Weyday, 8) Soddohdaa Ku Jeclaatay, 9) Ninba Timo Xamar oo Haddana Xiir. Intaa aan xusay waxay ka mid yihiin, riwaayadaha uu si ashqaraara uga soo qeyb qaatay abwaanku.

Abwaan Muxumed Soofe Kaneec wuxuu lahaa hal-abuur cuddoon, oo dhanka heesaha ah. Haddii iyana aan xuso, waxa ka mid ahaa: 1) Qalanjo, 2) Tawaawac, 3) Sheekh Baa Waxuu Yidhi, 4) Guri Rays Leh, 5) Yagleel, 6 Qurux Wehel, 7) Basar, 8) Ceebla. Heesahani waxay ka mid yihiin inta la maqley.

Muxumed Soofe Cilmi waxa uu ahaa ninkaa gedgeddoonka badan, ee taariikhdu dhan walba ka shirrabtay. Kaneec wuxuu ahaa baxar buxuur, halkii loo qaadaba loogu abtirinaayo.

Allaa yarxame, Abwaan Kaneec waxa uu ifka kaga tagay qoys ka kooban 22 ruux, waxaanu adduunka ka tagay 2010.

W/Q: Cadhood Badan Cadhood