Magadhawga Uu Suciidigi Siinayo Qoysaska Xujaajtii Geeriyooday Iyo Shirkadii Agabka Lahayd Oo La Ganaaxaayo

0
535

Picture3Maxkamada dalka Sucuudiga ayaa Salaasadii go’aan kasoo saartay hakinta mashruuca dhismaha ee shirka Bin Ladin Group ka wado masjidka weyn ee Xaramka, kadib sishilkii ay ku dhinteen 111 qof.

Maxkamada ayaa sidoo kale sheegtay in isha lagu heyn doono dhamaan mashaariicda ay shirkadan wado ee dhismaha, sidoo kale waxaa la joojiyey in wax mashruuc cusub ah lasiiyo shirkadan inta uu dhamaanayo baaritaanka socda.

Xog horudhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in Wiishkii kusoo dhacay Masjidka aan si sax ah loo rakibin, isla markaana dabaylo xoogleh ay sababeen inuu soo dhaco. Xiligaasi oo uu magaalada Makka ka da’ayey roob wata dabeylo xoogleh.

Xukunka Maxkamada Sucuudiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mulkiilayaasha iyo mareeyayaasha shirkada Bin Ladin Group aanay ka bixi karin dalka Sucuudiga inta uu baaritaanka socdo.

Dadka ku dhintay shilkii Masjidka ayey maxkamada u go’aamisay in lasiiyo lacag magdhaw ah oo gaadheysa 1 milyan oo riyaal oo u dhiganta in ka badan $230.000 dollar qofkiiba. Sidoo kale dadka uu soo gaadhay dhaawaca culus oo ee noloshooda curyaamin kara ayaa iyaguna loo xukumay magdhaw dhan 500.000 riyaalka Sucuudiga.

Magdhawdan ayaa waxaa sidoo kale ansixiyey Boqorka Sucuudiga Salmaan oo booqday dadkii dhaawaca kasoo gaadhay shilkaasi, wuxuuna Boqorka Sucuudiga intaasi raaciyey in dhamaan qoysaska dadka ka dhinteen labo xubin oo kamid ah ay Boqortooyada bixin doonto Xajkooda sanadka danbe.

Waxaa la filayaa in marka uu soo dhamaado baadhitaanka socda ay Maxkamada dalkaasi ay xukun ku ridi doonto shirkada Bin Ladin Group oo ah shirkada ugu weyn ee dhismaha ee dalalka Bariga dhexe, shirkadaasi oo ah tan dhista mashaariicda ugu waaweyn ee dhismaha dalka Sucuudiga oo uu ku jiro Masjidka Xaramka.

Shirkadan oo xidhiidh dhow laleh Boqortooyada Sucuudiga ayaa waxaa aasaasay Aabihii dhalay hogaamiyihii hore ee Al Qacida Osama Bin Ladin oo isaguba hore uga soo noqday shirkadaasi maareeye, walow ay qoyskiisa iska fogeeyeen aragtidii Osama Bin Ladin iyo kooxda Al Qacida