Raysalwasaaraha Yemen Oo Muddo Dheer Ka Dib Ku Noqday Cadan

0
514

Picture1Ra'iisalwasaaraha Yemen iyo dhowr qof oo kale oo ka tirsan dowladdiisa oo waddanka ka baxay ayaa ku  noqday magaalada Cadan ee koonfurta, si ay dowlad uga hirgaliyaan.

Khaled Bahah waxaa ka horeeyay wasiiro kale oo yimid markii Xuutiga laga bixiyay magaalada bishii July.

Afhayeenka Mr Baha ayaa sheegay inuu si joogto ah u joogi doono Cadan, oo ay dowladda u isticmaalayso xarun iyadoo dagaal uu ka socdo meelaha kale Yemen.

Geesta kale, Duqeynta ay diyaaradaha xulafada Sucuudiga ka wadaan dalka Yemen ayaa Salaasadii  oo kaliya ku dhinteen dad gaaraya 54 qof.

Diyaaradaha dagaalka ayaa duqeeyey gobalada kala ah Dhamar, Saada, al Mahwit iyo Hajjah. Duqeynta ayaa sidoo kale lala beegsaday caasimada Sanca. Goobaha burburka soo gaaray ayaa waxaa kamid ah xarumaha shacabka isugu yimaado oo ay ku jiraan Masaajido.

Yemen ayey weli dagaalo ka socdaan iyadoo weli xulafada Sucuudiga aysan ku guuleysan inay dib u qabsadaan caasimada Sanca oo uu doonayo inuu dib ugu noqdo Madaxweynaha dibad jooga ah ee Cabdulrabi Mansuur Hadi.

Sucuudiga ayaa bilaabay duqeynta Yemen bishii Maarso, waxaana hada ku sugan gudaha dalka Yemen ciidamo ka kala yimid dalalka Khaliijka oo ay ku jiraan Imaaraatiga, Baxreyn iyo Qatar kuwaasi oo gacan siinaya maleeshiyaadka iyo ciidamada taageersan dowlada.