Magacyada Xoghayayaal Uu Guddoomiye Cirro U Magacaabay Xilal Kala Duwan

0
812

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xoghayeyaal u magacaabay xisbiga Waddani.

Guddoomiye Cirro, ayaa xoghayayaasha qaarkood wuxuu ku sameeyay isku bedel, halka uu kuwo banaanaadayna buuxiyay. 10 masuul ayuu u magacaabay xoghayayaal kala duwan, waxaanay kala yihiin:

Cabdi Haybe Maxamed, xoghayaha ganacsiga iyo wershadaha

Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), xoghayaha abaabulka iyo wacyigelinta

Dr. Yuusuf Salebaan Cismaan, Xoghayaha Caafimaadka

Prof Maxamed Maxamuud Cumar, Xoghayaha waxbarahada iyo tacliinta sare

Cabdalla Maxamed Carab, xoghayaha kalluumaysiga iyo dekedaha

Dr. Axmed Cabdillaahi Cige, xoghayaha xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga

Cabdillaahi Bootaan Warsame, Xoghayaha xuquuqal insaanka

Xuseen Aadan Cabdi, xoghayaha gaashaandhiga iyo difaaca

Eng. Yuusuf Cabdillaahi Kaahin, Xoghayaha hawlaha guud iyo guriyaynta

Mukhtaar Xaaji Muxumed, xoghayaha Beeraha iyo deegaanka

Geesta kale, wuxuu guddoomiye-xigeenka golaha dhexe ee xisbiga Waddani u magacaabay Xildhibaan Baar Siciid.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here