“Aynu Doodno Oo Sharciga Aan Isku Qabsano; Laakiin Doodaada Iyo Murankaaga Turxaan La’aan Sheego”

0
785

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa dhaliilay dimuqradiyada iyo hadalada cayada ah in warbaahinta laysku mariyo, waxaanu sheegay in aan dimuqraadiyada lagaga dayan dalalka reer galbeedka hadii kale ay dalkeena meel xun la gaadhi doonto.

Waxa uu madaxweyne Biixi uu ka hadlay muranka komishanka cusub, waxaanu fariimo u diray guddomiye Cabdiraxmaan Cirro oo uu ku tilmaamay mid diidan sharciyadii uu dalka u saxeexay isaga oo baarlamaana ka madax ah, waxaanu sidan ka sheegay Carwada Caafimaadka oo uu Hargeysa ka furay, waxaanu yidhi “Xisbiyo ayaynu nahay murankuna waa uu jirayaa  doodu waa ay jiraysaa,waxaan u bahanahay inaan iska waanino waxa la yidhaahdaa waar gartaada sheego  oo turxaan la’aan sheego, markaan madaxweynaha ahay ee aan qaranka u dhaxeeyo dardaaranka kaliyaata ee aan bixinayaa waxa weeye aynu doodno oo sharciga aan isku qabsano laakiin doodaada iyo murankaaga turxaan la’aan sheego. Maalmahan waxaad maqlayseen sawaxan badan oo xisbiyada mucaaradka ah ka socday gaar ahaan Waddani oo leh sharcigii ayaa la jabiyay raacimayno go’aanka baarlamaanka ka soo baxay  sharcigiibaa laga booday, madaxweynaha ayaa  maroorsaday oo gartaas ma ogolin.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“ waxa ay yidhahadeen komishankaas cusub ee la doortay la shaqayn mayno, waayo madaxweynuu waxa uu jabiyay heshiiskii xisbiyada xalaal iftiin ayaa la qashaa xisbiyada waan heshiinay, waxay yidhaadeen waxay xisbiyadu ku heshiisheen in aan xubnihii hore lagu soo celin,haddii ay qodobkaas oo qoraal ah hayaan, anigu ma saxeexin mana ogi kumaanu heshiine  oo ma jiraan leeyahaye, haday hayaan umadda haw soo bandhigeen, hadaanu jirina waxa wanaagsan markaad doodayso umadda wax run ah u sheeg.”

Waxa uu madaxweyne Biixi ka sii hadlay muranka ka taaga komishanka cusub “Xeerka Komishanka qod-12 faqradiisa  4-aad  waxay leedahay mudada komishanku waa shan sanadood waana loo cusboonaysiin karaa marka wakhtigu ka dhamaado haddii loo baahdo, yaa saxeexay waxa saxeexay mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi  guddoomiyaha xisbiga qaranka Waddani gudoomiyaheenii hore ee baarlamaanka oo hadana ah xubin ka tirsan  gudida guurtida, saxeexiisii waa la raacayaa waanu ixtiraamaynaa,labadaas qodob haday wax ka jiraan umada u soo celi turxaan la’aan. Qodobka labaad waxa uu yidhi xubnahaas anaga ayaa diidnay haddii lagu darana doorashada gali mayno waxa daba socotay madaxweynuu taladuu maroorsadaa waa kali talis talo ma ogola, bal amuurtan ilaahay eega, sharcigii uu isagu saxeexay qodobka 12-aad waxa uu sheegay in laba guurtidu soo jeedinayso,mid Waddani,midna Ucid sadexna madaxweynaha cid waliba kuweedii way soo qortay midna tiisa kumaan faro galin,waxa jiray shuruudo lagu qiyaaso hadaan qaldamo ama aan u badheedho, waxa iga danbeeya laba isbaaro gudida hoose ee baarlamaanka iyo gole weynaha baarlamaanka oo 82 ah, waa la gudbiyay intiibaa waa ay mareen, yeeli maynuu Waddani yidhi, digtaatooriyada ka weyn  yeeli mayno xagaa lagu arkay Cabdiraxmaan yaa ka filaayay nin wanaagsan ayuu ahaaye oo qoladan jabhadaa laga filayaye,mudane Cabdiraxmaan adiga oo gudoomiyahii ugu weynaa ee saxeexay ah ee dalka toban sano sharciga u saxeexayay, adigoo guddoomiyaha xisbiga Waddani ee qaran ah adigoo xubin sharafeed guurtida ah bal arintaas ka fiirso yeeli maayo baarlamaanku waa arin adage, waar bal idinkuna ka gar naqa shicib weynow.labadaas qodob ee garta ah ayaan cadaynaayay waxii ka soo noqdana waan arki.”

Ugu danbayntii madaxweye Biixi ayaa dhaliilay dimuqraadiyada  iyo hadalada xanafta leh ee warbaahinta laysku mariyo “ marka aynu doodayno cayda nin walba oo uu yahay iyo da’walba oo uu yahay in laga sii daayo warbaahinta dhaqan gobonimo maaha, dhaqankeena muu ahayn dhaqan la daawado oo lagu farxo maaha in lays caayo, wax badan ayaynu isku nahay, hadaan ku dayano gaalada oo dimuqraadiyada Maraykanka iyo Ingiriiska aynu raacno waa ku jabynaa, iyaga dimuqraadiyadoodu waxay gaadhay inay tidhaahdo laba nin hays guursadeen, hadaan tooda ku dayano halkaas ayay inala galaysaa  haloo fiirsado, waa dimuqraadi oo waxaan doono ayaan samaynayaa haloo fiirsado dhalinyarada waliba.”

Madaxweyne Biixi ayaa waxa kale oo uu eeddo u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo dawladiisa, ”Dowladda Xamar ka dhisan oo aad ogtihiin inta weerar ay nagu qaadday taasi oo markii la doortayba dagaalkeeda ku bilowday mashruucii dekedda barbaro iyadoo ku hanjabtay inay calaaqadka u jareeyso carabta taasi oo micneheedu yahay maxaad u hormareysaan. Waxaa taasi xigtay in sanduuqii SDF ee Soomaaliland Mashruuca ka caawin jiray ay naga xayireen iyagoo warqad u qoray waddamada Yurub”, ayuu yidhi Biixi, wuxuuna raaciyay ”Waxaa intaasi dheer in dowlad kasta oo Soomaaliland soo dhaweyso amaba marti qaadda in cilaaqaadka loo jaro. waxaad kalo ogeydeen dagaalkii ay Tukaraq ku soo qaadeen”.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi ”Waxaa wax laga naxa ah in xubno ka tirsan xisbiga Waddani ay ammaan kala dul dhacaan dowladda Xamar, ma nimankaas baa ammaan naga mudan mise waxay istaahilaan in lala dagaalamo, ma waxaanu Farmaajo uga dayanaa dhaqanka uu labadii madaxweyne ee hore uu ku xidhaayo elaboodhka, xitaa dhaqan Soomaaliyeed ma ahan waxaasi”. ayuu intaasi ku sii daray Madaxweyne Bixii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here