Magacyada Laba Eedaysane Oo Boolisku U Soo Qabteen Kiiska Weerarkii Guddoomiyaha Dhallinyarada Xisbiga Waddani

0
606

Hargeysa(Geeska)-Taliska ciidanka Booliska Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay gacanta ku soo dhigeen laba eedaysane oo loo haysto falkii dhaawaca ahaa ee loo gaystay guddoomiyaha garabka dhallinyarada ee xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme.

1

Afhayeenka ciidanka Booliska Faysal Xiis, oo shalay saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in labada eedaysane ee falkaas loo soo qabtay ay kala yihiin Khaliif Axmed Cali Cawaale oo lagu eedaynayo inuu telefoon uga soo hanjabay Mr. Sidiiq iyo Cabdikariin Cabdillaahi Ismaaciil Rigaax oo uu Boolisku sheegay inay baadhistii ay wadeen lagula xidhiidhiyay falkaas, waxaanay boolisku sheegeen in labada eedaysane si deg deg ah kiiskooda loo baadhayo loona horgayn doono hay’adaha cadaaladda.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo isna shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay inaanay ka hor dhicin baadhista kiiska oo ay ka war sugaan, isagoo siyaasiyiintana uga digay kicin dadweyne iyo waxyaabaha nabadgelyada khatarta ku ah.