“Muuse; Waxaan Kula Dardaarmayaa Markuu Aqalkaagu Quraarad Ka Dhisanyahay Dadka Lama Shiido”

0
597

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Dr. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa murashaxa iyo guddoomiyaha KULMIYE ugu baaqay inaanu isagoo ku jira guri quraarad ah tuur-tuurin guryo kale.

15697540_10154835237428535_8063974604052089585_n

Dr. Biixi oo shalay Hargeysa ugu waramay weriye Badri Kosaar oo ka tirsan Star TV, wuxuu kaloo beeniyay in Cirro magaalada Nayrobi ee dalka Kenya kula kulmay wefti ka tirsan dawladda Somaliya, waxaanu wararkaas ku tilmaamay kuwo ku tidhi ku teen ah. Isagoo ka hadlaya xaaladda dalka wuxuu yidhi “Waxaan u arkaa wadcigaa adag ee dhibaatada leh ee sicir bararka leh ee abaaraha leh ee wadci adag aan ku wada jirno ee saamayn ku leh bulshadii. Shaqaale xumaan dhallinyarada ah ayaa jirta oo ah in wadanku  aad iyo aad u baahanyahay isbedel cusub.” ayuu yidhi Maxamed Biixi.

Maxamed Biixi oo la weydiiyay halka uu ku dambeeyay hankiisii madaxweynenimo, wuxuu yidhi “Waxaan doonayay inaan madaxweyne ka noqdo dalka, run ahaan xisbigii KULMIYE sidaan uga tagayna wax lagaga noqdaa ma jirto. Qasdigayga ugu weyni muu ahayn madaxweyne ee waxa weeye in wixii aan u tari karto ku soo kordhiyo oo waxaad la socotaa nin xagga dibadaha meel sare ka gaadhay inaan ahay, waxaan islahaa khibradaas iyo aqoontaas geli. Ta ugu weyn ee aan u imid taas ayay ahayd, kursiguna wax weyn maaha, hayeeshee waxaan Waddani u galay waxaan arkay xisbiga keliya ee mabaa’diidii aan aaminsanaa isugu nimid ka wada hadalnay, wada saxeexanay, xisbigaas oo aan is odhan karo waa xisbiga ugu balaadhan ee dadkoo dhami ku jiraan.”

Maxamed Biixi oo la  su’aalay inay jiraan odayaal iyo salaadiin ula timid inuu la shaqeeyo Muuse Biixi oo u sharaxan madaxweynenimo, wuxuu yidhi “Waxba kama jiraan, salaadiin iyo odayaal ii timid ma jirto, qofku xor ayuu u yahay xagguu galayo, waxyaabaha ugu waaweyn ee aan xisbigaas u galay ee aan ka dagaalamay waa qabyaaladda oo ah in xisaabiyadu noqdaan kuwo mabaa’dii ku shaqeeya, hebel ayaanu isku reer nahay haddii hebelkaas aad isku reerka tihiin waxba kala wadi karayn inaad iska raacdo maaha, Waddani laftiisa ma ogolin in qabyaaladi ka dhex socoto, KULMIYE-na waxaanu kula talinaynaa inay qabyaaladda ka waantoobaan oo tolaayda iska dhafaan oo qofka kartidiisa iyo barnaamijkiisa soo bandhigo oo ka gudbo hebel iyo reer hebel iga reeba.”

Wuxuu Maxamed Biixi beeniyay inuu jiro kulan uu Cirro magaalada Nayrobi ee dalka Kenya kula yeeshay magaalada Nayrobi, “Warkaas wax ka jiraa ma jiraan, waa dacaayadaha la iska faafinayo.” ayuu yidhi Maxamed Biixi.

Ugu dambayn isagoo la hadlaya guddoomiyaha iyo murashaxa KULMIYE, wuxuu yidhi  “Muuse waa nin aanu saaxiib nahay oo is naqaano, nin aan halkan cay iyo farriin uga dirayo maaha, hase yeeshee waxaan kula dardaarmayaa markuu aqalkaagu quraarad ka dhisanyahay dadka lama shiido, markaas taas ka waantoow.”