Magacyada Guddi Uu Guddoomiyaha Guurtidu U Saaray Go’aan Ka Gaadhista Mudane Safar Aan La Ogayn Ku Tagay Garowe

0
814

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aden ayaa shalay magacaabay shan xildhibaan oo soo baadhi doona ujeedada safar uu magaalada Garowe ee maamulka Puntland ku tagay xildhibaan Muuse Ciise Faarax (Ina Xamari) oo ka tirsan golaha guurtida, kaas oo dhawaan safar siyaasad la xidhiidha ku tagay magaaladaas Garowe.

Guddoomiye Saleban Maxamuud Aden ayaa xildhibaanada faray inay sidoo kale ka soo tallo bixiyaan anshax marinta lagu samayn doono xildhibaankaas safarka ku tagay dalka Somaliya oo ay Somaliland cadaawad siyaasadeed ka dhaxayso islamarkaana uu u socdo wada hadal ay xukuumadda Somaliland hoggaaminayso. Xildhibaanada arrinkaas loo saaray ayaa kala ah Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed, Suleex Madar Xoosh, Saleebaan Garas Seed, Axmed Nuur Aw Cali Aadan, Muuse Ibraahim Aw Nuur. Waxaanay warbixin ku soo celin doonaan gole weynaha.

Waxa la saadaalinayaa in anshax marinta xildhibaankaasi ay noqon doonto maamuus ka xayuubin, maadaama oo uu noqday xildhibaankii u horeeyay ee Somaliland ka tirsan ee safar ku taga meelo ka mid ah dalka Somaliya.