Garabka KULMIYE Ee Madaxweyne-xigeenka Oo Xalay Madaxweyne Siilaanyo Ka Codsaday In Dib Loo Dhigo Shirweynaha Xisbiga Ee Bishan January

0
766

Picture8Hargeysa(Geeska)-Garabka xisbiga KULMIYE ee uu hoggaaminayo Madaxweyne xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ka codsaday in dib loo dhigo shirweynaha xisbiga oo loo mudeeyay 21 January.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa shalay iyo xalay kala qaabilay labada garab ee KULMIYE, waxaanu shalay gelinkii hore qaabilay guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyeen guddoomiye xigeenka 1aad Maxamed Kaahin Axmed iyo guddoomiyaha Golaha dhexe Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), waxaana sida ay Geeska Afrika ilo xogogaali u sheegeen ay xubnahan saddexda ahi Madaxweynaha u bandhigeen sida ay u arkaan shirka deg dega ah ee uu Madaxweyne xigeenku ugu baaqay guddiga fulinta iyo weliba sida ay u arkaan waxyaabaha tabashooyinka ah ee ay madaxweyne xigeen Saylici iyo garabkiisu tirsanayaan oo ay sheegeen inay yihiin waxba kama jiraan, waxaanay garabkaas ka soo horjeeda ku eedeeyeen inay qas ka dhex wadaan xisbiga si uu markale dib ugu dhaco shirweynaha xisbigu.

Laakiin Madaxweyne Siilaanyo wuxuu xalay qaabilay garabkii Madaxweyne-xigeenka oo habeen hore gurigiisa lagu go’aamiyay in loo diro Madaxweyne Siilaanyo si ay uga soo war bixiyaan sababta shirkooda keentay iyo weliba tabashooyinka ay ka qabaan guddoomiyaha xisbiga. Kulankaas oo xalay cawayskii qabsoomay waxa garabkan horkacayay madaxweyne xigeenka Md. Saylici, waxaana  xubnaha Madaxweynaha u tagay ka mid ahaa wasiirada maaliyadda, xanaanda xoolaha, guddoomiye xigeenka labaad ee KULMIYE, guddoomiye xigeenka saddexaad ee KULMIYE, xildhibaano iyo xubno ka tirsan guddiga fulinta xisbiga , waxaana sida uu warku sheegay ay Muuse Biixi ku eedeeyeen inuu ka baxay heshiisyadii xalka lagaga gaadhay khilaafka xisbiga ee lagu go’aamiyay guriga guddoomiyaha Guurtida, islamarkaana uu doonayo inuu guddiga fulinta ka saaro xubno ka mid ah aasaasayaashii xisbiga iyo weliba xubno ka tirsan hoggaanka. Waxaanay garabkani Madaxweynaha ka codsadeen inuu ka hawlgalo sidii dib loogu dhigi lahaa shirweynaha xisbiga oo uu wakhti koobani ka hadhay si aanu shirweynaha xisbigu u noqonin madal uu khilaaf hadheeyo.

Lama oga jawaabta uu Madaxweynuhu ka bixiyay codsiga garabkan ee ah in shirweynaha dib loo dhigo, waxase la sheegay inuu labada dhinacba ku waaniyay inay muujiyaan masuuliyad iyo dulqaad si aanu khilaafku xisbiga u burburin.

Khilaafka xisbiga KULMIYE ayaa u muuqda mid faraha ka sii baxaya, waxaana sida muuqata uu Madaxweyne Siilaanyo ku mashqulsanyahay inuu dhinac walba dhagaysto, mana jiraan wax go’aamo ah oo uu ka soo saaro kulamada uu la yeesho dhinacyadan.